top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

Buugga Jacaylka iyo Ixtiraamka (Love and Respect) ee Dr. Emerson Eggerichs, Oo Kooban

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • Jun 10, 2022
  • 4 min read

ree

Buuga Oo Saddex Weedhood Ah

  1. "Haweenka waxay u sameeysan yihiin in la jeclaado, waxayna rabaan qof jecel, oo waxay filanayaanna waa jacayl. Raggu waxay u sameysan yihiin in la ixtiraamo, waxayna rabaan qof ixtiraam u muujisa, oo waxay filayaanna waa ixtiraam."

  2. "Marka ninku uu dareemo inaan la ixtiraamaynin, way adag tahay inuu jeclaado xaaskiisa. Marka naagtu ay dareento inaan la jeclayn, way adag tahay inay ixtiraamto ninkeeda".

  3. "Inta badan, waxaan diirada saarnaa baahideena oo waxaan si fudud u illoownaa baahida qofka kale".

Shanta Fikradood ee Ugu Waaweyn Buugga

  • "Ma jiro nin jacayl u qabo naag u muuqata inay quudhsanayso qofka uu yahay bini'aadmi ahaan. qaabka kaliya ee haweenayda ku kasban karto dareenka jacayl ee ninkeedu, waa iyada oo u muujisa ixtiraam aan shuruud lahayn”.

  • "Waalidu waxay dhacdaa marka aan ku celcelino isla wixii aan hore u sameynay, dhowr jeer oo kale, anagoo ka sugayna natiijo ka badalan middaas."

  • "Habka ugu fudud ee nin loo dareensiin karo jaceyl waa in lagu ixtiraamo isaga siyaabo macno u leh."

  • "Si fudud ayaan u aragnaa waxa nalagu sameeyo ka hor inta aanan arkin waxa aan ku samaynayno lamaanaheena".

  • “Jeclow xaaskaaga. Had iyo jeer isku day inaad ogaato waxa qalbigeeda si qoto dheer uga kuuxaya”.

Jacaylka iyo ixtiraamka Buugga oo kooban

  • "Haa, jacaylku waa muhiim, gaar ahaan wuxuu muhiim u yahay xaaska, laakiin waxa aan tabnay waa baahida ninku uu u qabo in la ixtiraamo."

  • "Ma jiro nin qalbigiisa ka keeni karo dareen jacayl marka uu rumaysto in xaaskiisa ay quudhsanayso qofka uu yahay."

  • "Haweenka waxay u sameeysan yihiin in la jeclaado, waxayna rabaan qof jecel, oo waxay filanayaanna waa jacayl".

  • "Raggu waxay u sameysan yihiin in la ixtiraamo, waxayna rabaan qof ixtiraam u muujisa, oo waxay filayaanna waa ixtiraam."

  • "Markii aan u fiirsaday dhibaatada, waxaan ugu dambeyntii arkay xiriirkan ah: dareenka jaceyl la'aan, waxay uga falcelisaa ixtiraam la'aan; dareenka ixtiraam la'aan, wuxuu ugu falceliyaa jacayl la'aan".

  • "Marka ninku uu dareemo ixtiraam la'aan, way adag tahay inuu jeclaado xaaskiisa. Marka haweenayda ay dareento jaceyl la'aan, way adag tahay inay ixtiraamto ninkeeda".

  • “Marka uu ninku dareemo ixtiraam la'aan, waxa uu leeyahay dareen dabiici ah oo uu kaga falceliyo siyaabo aysan jeclaysan xaaskiisa. (Waxaa laga yaabaa in amarka jacaylka loo siiyey isaga sababtan aawadeed!) Marka naagtu ay dareento jaceyl la'aan, waxay leedahay dabeecad dabiici ah oo ay uga falcelinayso siyaabo ixtiraam darro u ah ninkeeda. (Waxaa laga yaabaa in amarka ixtiraamka loo siiyay iyada sababtan awgeed!).

  • "Ma jiro nin jacayl u qabo naag u muuqata inay quudhsanayso qofka uu yahay bini'aadmi ahaan. qaabka kaliya ee haweenayda ku kasban karto dareenka jacayl ee ninkeedu, waa iyada oo u muujisa ixtiraam aan shuruud lahayn”.

  • "Waalidu waxay dhacdaa marka aan ku celcelino isla wixii aan hore u sameynay, dhowr jeer oo kale, anagoo ka sugayna natiijo ka badalan middaas."

  • “Waxa aan leeyahay maaha waxa aad maqashid, waxa aad u malaynayso in aad maqashayna maaha waxa aan ula jeeday haba yaraatee".

  • "Inta badan, waxaan diirada saarnaa baahideena oo waxaan si fudud u illoownaa baahida qofka kale"

  • "Aan u sheeko xaasaska in marka ragga ay maqlaan dhaleeceynta xun, kuma qaadato waqti dheer inay u tarjumtaan in ay tahay quudhsasho loogu dan leeyahy ragganimadooda."

  • "Habka ugu fudud ee nin loo dareensiin karo jaceyl waa in lagu ixtiraamo isaga siyaabo macno u leh."

  • "Marka uu u sharfo sida qofka ugu sareeyo dhanka muhiimadda, oo ay u ixtiraamto isaga sida qofka ugu sareeyo dhanka sinaanta, guurkooda wuu raagaa, wuuna shaqeeyaa."

  • "Badanaa haweenayda xaaska ah kale waxay ku guul dareysataa inay ogaato in sawirka ay iska heysato ama "self-Image"keeda uu inta badan ku tiirsan yahay waxa ay aaminsan tahay in ninkeeda uu ka maleysanayo ama u arkaayo iyada".

  • "In kasta oo dumar badan aysan ku talo jirin inay ixtiraam darro u muujiyaan raggooda, waxay sidaas ula muuqan kartaa nimankooda, nimankooduna waxay gabaad ka dhigtaan inay dhagaxaan iska dhiggaan dhanka muujinta jaceylka".

  • "Sax ama khalad, raggu waxay ku cabiraan adduunkooda iyada oo loo fiirinaayo ixtiraamka loo muujiyo, sidaas darteed hadalka jilicsan ee xaaska iyo muujinta weji ixtiraam ayaa wax badan ka caawin kara guurkeeda inta ay filayso in ka badan."

  • "Haddii ay tahay rag ama dumar aan 'weli fahmin', jawaabtu waa middan: inta badan ma aragno waxa iska cad."

  • "Si fudud ayaan u aragnaa waxa nalagu sameeyo ka hor inta aanan arkin waxa aan ku samaynayno lamaanaheena".

  • “Jeclow xaaskaaga. Had iyo jeer isku day inaad ogaato waxa qalbigeeda si qoto dheer uga kuuxaya”.

  • "Si kasta oo uu guurku u muuqdo mid quus ah ama rajo la'aan ah, haddii ninka iyo naagtiisa ay labadooduba qalbiga isugu haayaan niyad wanaag, waxay ka hortagi karaan wareeggan waalida ah."

  • “Cafisku waa lidka dhaleecaynta. Wax la dhaleeceeyo wax ka fudud ma jiro, wax cafinta wax ka adagna ma jiro, wax ka faa'iido badanina ma jirto”.

  • "Runtu waxay tahay, niman badan ayay u fududahay inay sharaf u dhintaan intii ay jaceyl u muujin lahaayeen xaas aan ixtiraamaynin, iyagoo leh, 'Waxaan aaminsanahay inaan kaa khaldanahay. Ma kawada hadli karnaa arrintan?’ Inaad u jeedsato xaaskaaga oo ay colaadi idin dhexmartay oo aad ku tidhaahdo, ‘Waan ka xumahay wixii dhacay. Ma i cafin kataa? waxay u baahan tahay xaniinyo iyo dhabar adayg.

  • "Guur qurux badan waxaa la helaa marka dhibaatooyinka loola tacaalo si hal abuur leh - ama marka xiisadda laga fogaado gebi ahaanba iyada oo la sameeyo dhowr waxyaalood oo wanaagsan oo jecel iyo ixtiraam ku dheehan".

  • "Xusuusnow: noqo qof muujiyo kalgacal iyo feejignaan maalin kasta, ma aha oo kaliya maalmaha aad rabto galmada. Kalgacalku waa inuu noqdaa dhammaadka loo socdo, ee maaha inuu noqdo wadada lagu raadinaayo”.

  • "Nin kastaa waa inuu go'aan ka qaataa dareenka xaaskiisa iyo baahiyaheeda. waad iska xidhi kartaa inaad dareento oo waa diidi kartaa inaad u furnfurnaato, ama xaggeeda ayaad u dhaqaaqi kartaa oo aad kula xidhiidhi kartaa heerar cusub oo furfurnaan ah”.

  • "Ha diidin inaad nabad doorato adigoo kala cararaya colaadda xaaskaaga".

  • "Marka ay ku weydiiso, 'Ma i jeceshahay?' ma kaa rabto macluumaad; waxay kaaga baahan tahay dammaanad."

  • "xaaskaada waxay u baahantahay damaanad qaad".

  • "U samee wax kasta oo aad awoodid si aad xaaskaaga u ogeysiiso inaad masuuliyad iska saartay xiriirkiina guur ilaa inta aad labadiinuba nooshihiin."


Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page