top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

Xeeladaha Daahsoon ee kala Jeclaansho La'aanta (The Subtle Art Of Not Giving a F*ck) by Mark Manson.

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • Jun 27, 2022
  • 8 min read

ree

Buugga waxaa uu u qoran yahay inuu kuu cadeeyo waxaad dooratay inay kuugu muhiimad badnaadaan noloshaada, waxa aad doorato inaad kala jeclaato inaad diirada saarto. Inta badan ma ogaanno inta jeer ee aan muhiimada siinayno wax aan macno lahayn. Qoraaga wuxa uu hiigsanayaa inuu kaa caawiyo inaad garowsato sida loo bilaabo kala jeclaanshaha waxyaalaha ugu muhiimsan.

Buuggu waxa laga iibsaday in ka badan 13 milyan oo nuqul. Marka loo eego Amazon, Buuggan wuxuu ahaa buugga kaliya ee aan ku jirin buugaagta khayaaliga "Non-Fiction" ka ah ee loogu akhriska badnaa sanadkii - 2017.


Soo koobida iyo dib u eegistii buugga

Buuggaan ayaa weeraraya buugaagta "self-help" ama buugaagta dhiira-gelinta kuwaas oo buugaagtoodu ku doodayaan in aan si joogto ah u raadino farxad iyo guulo badan. Qoraaga wuxuu tilmaamayaa in habkani uu kaala tagi doono xitaa qanacsanaanta yar ee aad heysato, markaad aragto dhammaan waxa kaa maqan. Markaa, intii aad niyada siin lahayd wax walba, waa inaad doorataa waxa aad kala jeclaato.

Saddexda xeelad ee qeexi karta buuggan waa:

  • Kala jeclaansho la'aanta macnaheedu maaha inaadan dan ka lahaanin; balse inaad ku faraxsanaato inaad ka duwanaato dadka kale.

  • Si aanad u kala jeclaanin dhibka, waa in aad marka hore kala jeclaataa wax ka muhiimsan dhibka.

  • Ugu dambayntii, haddii aad ogaatay iyo haddii kaleba, waxaad had iyo jeer doorataa waxa aad kala jecashahay ama aad daneynayso.


#1 - Iska ilaali Ceersashada Qanacsanaanta Joogtada ah

Qoraaga wuxuu soo qaatay sheekadan u dhacaysa sidan, ka hor inta uusan noqon qoraa caan ah, Bukowski wuxuu ahaa qof khamaarka ciyaara oo ay marar badan diideen shirkadaha daabaca buugaagta inay heshiis la gaaraan. Ma ahayn ilaa uu gaaray da'da 50 jir in tafatire uu ugu dambeyntii aqbalay shaqadiisa. Dadweynaha iyo warbaahinta ayaa sheekadiisa ku tilmaamay riyada Maraykanka. Laakiin Bukowski wuu ogaa xaqiiqda: Weli inuu yahay qofkii Faahilka ahaa. Ma ahayn qoraaga buugaagtiisa loogu iibsiga badan. balse dhib uma arkin. Aqbalaadaas iyo qanaacadaas ayaa ahayd midda dad badan u soo jiiday isaga iyo buugaagtiisa. Bukowski waxaa ku qoran qabrigiisa ereyadan DON'T TRY "Ha isku dayin".

Habkani gabi ahaanba wuu ka duwan yahay rajada bulshada casriga ah ee ah sida aan u noqon karno dad faraxsan, hodan ah, caafimaad iyo guulal badan innaga oo kaliya waxyaabahan rabitaankooda heysana. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay in habkan uu ka dhigan yahay in aan dareemi doono sidii in inta aan heysano nagu filnayn. Farxada dhabta ah waa in laga taxadaro oo kaliya arimaha muhiimka ah.

Sharciga uu ku magacaabay Backwards ama gadaal-gadaal/dib u noqosho waxa keenay faylasuufkii Ingiriiska ahaa ee Alan Watts. Fikradda ayaa ah in markasta oo aad daba orodo dareen kaaga fiican kan aad ku jirto, in inta aad ku qanacsan tahay dareenka aad ku jirto markaas ay yaraanayso. Ceersashada joogtada ah ee qanacsanaanta waxay xoojisaa inay marka horeba kaa maqan tahay qanaacada. Qoraaga wuxuu leeyahay:

- Ceersashada waayo-aragnimada Fiican ayaa ah waayo-aragnimo xun.

- Aqbalaadda waayo-aragnimada xun lafteedana waa waayo-aragnimo fiican.

Markaa, waxaad abuuri kartaa waayo-aragnimo fiican adoo u dulqaadanaya khibradaha xun-xun. #2 - Jooji inaad rumaysato inaad qof gaar "Special" tahay

Qoraaga waxa uu aaminsan yahay in buugaagta "Self-Help"ga ah ama aan u naqaano buugaagta dhiiro-gelinta iyo bulshada casriga ahi ay ku waalan yihiin fikradda ah in aynu dhammaanteen "special" nahay. Fikirkani waxa ay abuurtay bulsho wax walba is leheysiisay ama isku arka inay xaq u leeyihiin wax walba oo filanaya in wax walba ay si sax ah ugu socdaan mar walba. Xaq-u-yeelashadu ama is-leheysiisku waxay la macno tahay inaad u qalanto inaad farxad ku hesho dunidda adigoon waxba u huraynin. Waxaa jira laba nooc oo xaq u yeelashada ama is-leheysiiska:

  • - Grandiose narcissism, taas oo la mid ah in la yiraahdo: Anigu waan fiicanahay oo intiina kale dhammaantiin waad wada xuntihiin, markaa waxaan u qalmaa in la iila dhaqmo si gaar ah.

  • -Victim narcissism, taas oo la mid ah in la yiraahdo: Wax walba waan ku liitaa intiina kale dhammaantiina waad ku wada fiican thiin, marka waxaan mudanahay in la iila dhaqmo si gaar ah.

Labadan noocba waxay ku dhammaanayaan natiijo isku mid, waxa ay u dhaqmaan si isku mid ah. Waxaa ay ka habaabsan yihiin meesha ay kaga jiraan heerarka bulshada waxayna labadooduba qabaan in wax walba la siiyo si ay faa'iido ugu noqoto. Tani waxay la macno tahay in ay tooda ku mashquulsan yihiin.


#3- U aqbal Xaqiiqda Sida Ay Tahay

Buugaag "Self-Help"ga ama dhiiri-gelinta waxay inta badan diiradda saaraan hadafka ah in la helo farxad joogto ah. Qoraaga waxa uu soo jeedinayaa in fikradani ay waxyeelo leedahay. Bini'aadam ahaan, waxaan si dabiici ah u nahay dad aan yara faraxsanayn. Waa in aan la kulannaa farxad la'aan. maxaa yeelay waxay naga caawinaysaa inaan dadaalno kadibna aan gaarno guul dhab ah.

Qaado mas'uuliyadda shucuurtaada oo faham in wax ka qabashada dareenka xun ay tahay halgan maalinle ah. Dhibaatooyinku ma joogsadaan; kaliya way isbedelaan. Qoraaga waxa uu tan ku dabaqayaa fikradda nafsiga ah ee loo yaqaan "hedonic treadmill." Tani waa fikradda ah in marka aan helno ama aan gacanta ku dhigno waxa aan aaminsanahay inay naga farxin doonaan, waxaan helnaa dhibaato kale. Markaa, waa in aan higsanaa xallinta mashaakilaadka nolosheenna intaan ka fogaan lahayn. Ma aha inaynu hiigsanno nolol aan dhibaato lahayn, balse waa inaynu hiigsanno nolol leh dhibaatooyin wanaagsan.


#4- Farxaddu Waa Saynis

Qoraaga wuxuu aaminsan yahay in nolosha iyo farxaddu ay la xiriiraan hababka sayniska. Mabaadi'daadu waa Afkaar "Hypothesis", ficiladaadu waa tijaabo "Experiments", natiijaduna waa xog "Data". Markaa, waa inaan qaadanaa go'aanno caqli-gal ah oo ku salaysan natiijooyin halkii aan ku salayn laheyn Cabsi, shaki ama hubaal la'aan. Hubanti la'aantu waa jaranjarada muhiimka ah ee sallaanka guusha, mana aha inaynu ka cabsano. Hubanti la'aantu waa waxa noo ogolaanaya inaan wax badan baranno. Hubanti la'aantu waxay naga caawisaa inaan fahanno mabaadi'duyadda inay yihiin kuwa aan qummanayn 100%, sidaas darteed waxay naga ilaalinaysaa fikradaha xagjirnimada. Waxa kale oo ay meesha ka saaraysaa inaan xukunno dadka kale ama aan ka filanno inay u dhaqmaan hal qaab.


#5- Mabaadi'du ayaa Muhiim u ah Farxada

Askar badan oo Japan ah ayaa ku go'doomay qaar badan oo ka mid ah jasiiradaha Pacific-ga intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka. Askartan ayaa laga go'doomiyay caalamka intiisa kale. Markaa, waxay garan waayeen in dagaalkusocdo iyo inuu dhammaaday. Natiijadu waxay noqotay, inay sii dagaalamaan ilaa 1950-meeyadii, 60-meeyadii iyo 70-meeyadii. si walba ay u xoog badan yihiin, indheer garadsanyihiin oo ay u dhiir-ran yihiin askartani; waxa u asteysan inay fashilmayaan. Qoraaga waxa uu u adeegsaday isbarbardhiggan si uu u iftiimiyo in iyada oo aan la helin mabaadi'da saxda ah iyo yoolalka hogaaminaya ficiladeena, inay noo asteysan tahay inaan fashilmeyno.

Dareenkaaga qotoda dheer wuxuu la xiriiraa mabaadi'daada. Oo mabaadi'da aad u dagaalanto ayaa go'aamiya qofka aad tahay. mabaadi'da wanaagsan ayaa muhiim u ah farxaddaada, laakiin inta badan waxaan diirada saarnaa mabaadi'da xun. Ceersashada raaxo faaruq ah iyo inaad rumaysato inaad mar walba saxan tahay ayaa tusaale u ah mabaadi'yada xun. mabaadi'yada wanaagsani badanaa waa kuwo xaqiiqada ku salaysan, qofka uu shakhsi ahaan soo gaaro, bulsho ahaanna wax soo kordhiso.

Si loo sii cadeeyo qodobkan, Qoraagga wuxuu bixiyay tusaalaha ninkii gitaariistaha ahaa ee Dave Mustaine. Sannadkii 1983-kii, waxa laga saaray kooxda miyuusiga ee Metallica wax yar ka hor fasaxoodii weynaa. Mustaine wuxuu ku qaatay labadii sano ee xigtay hagaajinta xirfadiisa gitaarka. Kadib wuxuu awooday inuu isku keeno kooxdiisa u gaarka ah ee Megadeth, kooxdaas oo iibisay in ka badan 25 milyan oo rikoodh ah. Laakiin guushani kuma aysan filnaanin Mustaine. Mustaine wuxuu marwalba isbarbardhigayay kooxdiisii hore ee Metallica, kooxdaas oo iibisay in ka badan 125 milyan oo rikoodh ah. Tani waxay ka dhigan tahay inuusan weli faraxsanayn. Qoraaga ayaa markaa Mustaine barbar dhigaya Pete Best. Best waxa kale oo laga saaray kooxda caanka ah ee: The Beatles. Daawashada guusha Beatles ayaa niyad jabka ku ahayd in muddo ah. Laakiin wuxuu noqday mid ka farxad badan Mustaine sababtoo ah wuxuu garowsaday xaqiiqo fudud oo ah: in muusiggu uga muhiimsan yahay guusha. Mustaine wuxuu lahaa mabaadi' xun, halka Best uu lahaa mabaadi' wanaagsan.


#6 - Qaad Mas'uuliyadda Noloshaada Iyo Go'aamadaada

Tusaale uu u soo qaatay muhimadda ay leedahay masuuliyadda qaadisteeda, Qoraaga wuxuu ka hadlayaa dhakhtarka cilmi-nafsiga Maraykanka ahaa ee William James. 1872, James noloshiisii ​​ayaa ciriiri ku noqotay. markaas ayuu ku fikiray inuu naftiisa gooyo. Laakiin habeen habeenada ka mid ah, James asiga oo akhrinayay muxaadarooyin uu jeedinayay faylasuufkii Charles Peirce. Wuxuu go'aansaday inuu sameeyo tijaabo. James wuxuu qabsaday hal sano isagoo halkaas sano si buuxda mas'uul uga noqonaya dhammaan waxyaabaha xunxun ee noloshiisa ka dhacaya. Haddii, 12 bilood ka dib, haday noloshiisu hagaagi waydana, inuu is-dilo. Tijaabada James waa ay shaqeysay, James-na waxa uu xoogga saarayo qaadashada mas'uuliyadda dib u dhalashadiisa. Sannadihii xigay, waxa uu noqday cilmi-nafsi iyo faylasuuf aad u saamayn badan. Maanta, waxa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah khabiirada cilmi-nafsiga ugu caansan ee abid noolaa.

Go'aanka ah in uu qaado mas'uuliyadda dhibaatooyinkiisa ayaa u ogolaatay James in uu ku jiheeyo dhammaan tamartiisa si uu u horumariyo noloshiisa. Kadibna wuxuu hagaajiyay nolosha malaayiin kale. Markaad mas'uul ka noqoto dhib, waxaad qaadaysaa mas'uuliyadda sida dhibaatadaas ku dareensiinayso.


#7 - Dooro sida aad uga jawaab celin laheyd nolosha

Mar walba ma dooran karno waxa ka dhax dhacaya nolosheena ama natiijada go'aamadeena. Laakiin waxaan si buuxda u maamuli karnaa sida aan u dooranno inaan uga jawaab celinno dareen ahaan dhibaatooyinka iyo guuldarrooyinka. Qaadashada mas'uuliyadda falcelinta aan ka bixinayno xaaladaha xun-xun waxay naga caawin kartaa inaan si wanaagsan wax uga qabanno dhibaatooyinka nolosheenna. Shakhsiga sidan samayn kara ayuu ku qeexay Qoraaga qofka guulaysta.


#8 - Shaki Gali wax walba oo aad aaminsantahay

Qoraaga waxa uu nagu dhiirigelinayaa in aan ka doodno dhammaan fikradahii aan hore u haysanay. oo aan ku kalsoonaanin nafteena iyo ficiladeena, taas oo naga caawin doonta inaan u horumarno si joogto ah.

Mar walba ma saxanaan doono. Qoraagu wuxuu sharxayaa in waxyaabaha ay bulshada aaminsanaayeen 500 oo sano ka hor ay ku khaldan yihiin waxyaabo badan. Tusaale ahaan, dadku waxay rumaysnaayeen in dhulku fidsan yahay oo xataa ma ogayn in cirifka Galbeed uu jiro. Si la mid ah, waxaad dib u milicsan kartaa wixii aad rumaysnayd 10 ama 15 sano ka hor waxaadna ogaan kartaa inaad sidoo kale ku khaldanayd waxyaabo badan. Casharka laga baranayo tan ayaa ah in qaar ka mid ah waxyaabaha aad hadda u haysatid inay run yihiin ay u badan tahay inay khaldan yihiin oo xitaa wax lagu qoslo noqon karaan 20 ama 30 sano gudahood.


#9 - Yaree Kibirkaaga si aad u awoodo inaad u korto ama aad u weynaato

Mar kasta oo shay khatar ku noqdo aqoonsigeena, waan ka fogaanaa. Haddaba, si loo dhimo heerkan ka fogaanshiyaha, waa inaan yareynaa dareenka aan ka qabno aqoonsigeena iyo nafteena. Waa in aan isu aqoonsanaa sida ugu dabacsan ee suurtagalka ah. Si aan kaaga caawiyo inaad si dabacsan isu-aqoonsato, waa inaad bilawdaa inaad naftaada waydiiso saddexdan su'aalood:

  • Maxaa dhici kara haddii aan qaldanahay?

  • Maxay ka macno tahay haddii aan qaldanahay?

  • Inaan khaldanahay ma waxay abuuri kartaa dhibaato ka fiican ama ka xun dhibka i haysta, aniga iyo dadka kaleba?

#10 - Guuldaradu waa furaha horumarka

Qoraaga waxa uu aaminsan yahay in guuldaradu ay tahay qayb aad muhiim ugu ah nolosha. Inaad khabiir ku noqoto wax uun waxay u baahan tahay kumanaan guuldarrooyin. Guuldarrooyinkan ayaa ah kuwa kaa caawinaya inaad hagaajiso habka aad u wajahayso adigoo u maraya horumar joogto ah. Tani waa sababta cabsida guul-darradu ay ugu horseeddo dadka fadhiidnimo.

Halkii aan ka walwali lahayn gormee guuldarraysan doonnaa, waa inaan isku daynaa mar kale, hadana markale, hadana markale.


#11 - Waxaa wanaagsan inaad wax uun sameyso intaad samayn laheyd waxna.

Macallinka xisaabta ee Qoraaga ayaa baray mabda'an isaga. Macallinkan ayaa had iyo jeer ardaydiisa bari jiray inay dib u qoraan xisaabta haddii aysan garaneyn jawaabta. Dib u qorida dhibaatadu waxay u ogolaanaysaa maskaxdaada inay hesho tillaabada xigta. Qoraaga tan iyo markaas wuxuu adeegsanayay mabda'an asagoo ku dabaqayay wax kasta oo noloshiisa ah. Haddii aad ku xayiran tahay dhibaato ku heysata oo aad la'dahay meel aad u qaado, wax uun samee, adaa yaabi doona, natiijada aad heli doonto. Halkii dhiirigelinta kuu horseedi lahayd ficil, " mabda'a wax uun samee" ayaa ku dhahaya in ficilku uu horseedo dhiirigelinta.


#12 - Maya ku dheh waxyaabaha qaar si aad Haa u tiraahdo wax kale.

Si aad hal shay u istaagto qabashadiisa, waa inaad marka hore iska diiddaa arrin kale. Inaad u furnaato wax kasta oo kaa soo hor baxa waxay la macno tahay in maskaxdaada aadan ku wada heynin hal hawl. waa wax ku farxad galin kara inaad doorato hal sheey oo aad dabagasho oo aad si joogto ah uga go'an tahay si aad u horumariso naftaada. Qoraaga wuxuu dul istaagayaa inaadan sidoo kale si dhab ah ugu raaxaysan karin shay haddii aadan iska diidin beddelkiisa.


Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page