top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

Buugga Qofka Waa Sida Uu U Fikiro "As A Man Thinketh" By James Allen Oo Kooban

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • Aug 3, 2022
  • 4 min read

Kahor intaanan ka hadlin buuggaan, aan marka hore ka hadalno qoraaga buugga James Allen. James waxa uu ahaa qoraa, falsafi Ingiriis ah oo caan ku ahaa buugaagtiisa dhiirigelinta iyo gabayada, asagoo ka mid qoraayaashii hormuudka u ahaa dhaqdhaqaaqa buugaagta is-caawinta "Self-Help". Shaqadiisa ugu caansan waxay aheyd buuggan ah Qofka waa sida uu u fikiro "As A Man Thinketh" buuggaas oo si ballaaran loo iibsaday markii la daabacay.

Buugga As a Man Thinketh Qoraaga Allen waxa uu diiradda saarayaa fikradda fudud oo ah in Qaabka Aad U Fikirayso ay abuurto Qaab Nololeedkaaga. Qoraaga buuggan, waxa uu yidhi, haddii aad maskax ku abuurto fikir xun, waxa aad noloshaada u furtay wado kuu jihaynayso duruufo xun, haddii aad maskaxdaada ku abuurto fikiro fiican, waxa aad noloshaada u furtay duruufo fiican. sidaas darteed marka aynu fikirkeena ka dhigno mid togan, waxa aynu ogaanaa in nolosheenu ay is beddesho oo ay noqoto mid farxad leh. Qoraaga buuggan waxa uu ka hadlaya in fikir kasta oo aynu abuurno fikirkaas uu soo jiidan doono xaqiiqada, fikirkeenu waxa uu noqonayaa mid dhab ah.

Qoraagu waxa uu odhonayaa mar walba fikirkaaga ilaali waayo waxa ay noqon doonaan erayadaada, markasta ka digtoonow hadalad aad ku hadlayso waayo waxa ay noqon doonaan ficilo markastana ka fiirso ficiladaada waayo waxa ay noqon doonaan habdhaqankaaga, mar walba u fiirso habdhaqamadaada waayo waxa ay noqon doonaan dabeecadaada, mar walba u fiirso dabeecadahaaga sababtoo ah waxay noqon doonaan Aayahaaga.

Qoraal aad ula cajabay waxa uu ahaa "Qofka ha dhawaato ama ha dheeraato waxaa uu ogaan doonaa inuu yahay qofka hormuudka u ah noloshiisa, agaasimaha ruuxdiisa."

Qoraaga waxa uu leeyahay“Qofka waa inuu ogaadaa inaanu awoodin inuu qofkale amro, balse isagu is amri karo, oo aanu qasbi karin rabitaanka dadka kale, balse inuu wax ka bedeli karo oo uu maamulo rabitaankiisa, Dadka waxay u adeegaan qofka ayaga u adeega. waxayna tusaale u qaataan oo ay waano ka raadsadaan kan naftiisa iyo rabitaankiisa maareeya.”


Cutubka 1aad: Fikirka iyo Dabeecada

Cutubkan, waxa uu qoraagu kaga hadlayaa in sida uu qofka isaga malaysanayo uurkiisa uu sidaas yahay, qoraagu waxa uu leeyahay qofka wuxa uu yahay sida uu iska maleysanayo asaga, dabeecadda qofka waa wadarta guud ee fikirradiisa oo la isku geeyay, si aan ugu fahanno Fikraddan si ka waadaxsan ayuu qoraagu ugu cabirayaa in marka geedku soo dhalanayo uusan u soo bixi karin iniin la'aan, sidaas si la mid ah fal kasta oo aadamuhu falayo wuxuu ka soo dhashaa miraha qarsoon ee fikradaha, oo masoo muuqan karaan la'aantood.

Qoraagu waxa uu leeyahay falku waa ubaxa afkaarta, farxadda iyo rafaadkana waa midhihii ka dhashay, sidaa awgeed wax kasta oo bani-aadamku kasbado hadday qadhaadh tahay iyo hadday macaan tahayba, waa miraha beertiisa.

Qoraagu waxa uu leeyahay fikirku waa waxa inaga yeela waxa aan nahay, Fikirka qofka ayaa abuura isaga, sidaa awgeed haddii aad ku fikirto fikradaha xun-xun waxa ay noloshaada u keenayaan xumaan iyo dhibaato, laakiin haddii aad leedahay fikrado togan oo wanaagsan waxay fikradahaas noloshaada u horseedi doonaan farxad iyo barwaaqo.


Cutubka 2: Saamaynta Fikirka ee Duruufaha

Cutubkan waxa uu qoraagu ku leeyahay “Qof walba halka uu nolosha ka taagan yahay waa halka uu fikradihiisa iyo ficiladiisa ku saleeyay”. Qoraagu waxa uu sheegay in aanay ahayn waxa na saameeyo awood dibada nooga imaada, balse anaga aynu nahay marka la isu dheellitiro fikradaheena iyo ficiladeena mudanayaasha iyo madaxda aayahayaga.


Cutubka 3: Saamaynta fikradaha ay ku leeyihiin jirka iyo caafimaadka

cutubkan waxa uu qoraagu ku sheegay in jidhku yahay adoonka maskaxda, jidhkeenu waxa uu adeecaa hawlaha maskaxdeenu ay amarto, hadii si badheedh ah loogu dooray ama si deg-deg ah loogu muujiyayba, qoraagu, waxa uu leeyahay in caadaysiga fikir uu yeelan doono saamayntiisa, xumaan iyo samaan mideey noqotaba. qoraagu wuxuu sheegay in jirka nadiifka ah uu asal ahaan ku jiro maskax nadiif ah taasna ay natiijo u noqoto nolol nadiif ah. Qoraagu waxa uu sheegay in dadka noloshooda ku nool cabsida ay ka qabaan cudur uun ay yihiin dadka uu ku dhaco cudurkaas, qoraagu waxa uu leeyahay in wejiga cambuusan ama xanaaqsan aanu ku iman si kadis ah ee uu ku yimaaddo afkaar cambuusan ama xanaaq wata.


Cutubka: Fikirka iyo ujeedada

Qoraagu waxa uu ku sheegayaa cutubkan in Shakiga iyo Cabsidu ay yihiin Cadawga ugu wayn ee Cilmiga, dadka dhiirigelinta ka qaada, aysan marnaba joojinin shakiga iyo cabsida ay yihiin dadka la kulma marxalad kasta oo noloshooda ah, hadana ka guulaysta.


Cutubka 5: Saameynta Fikirku ku leeyahay Guul-gaarista

Cutubkan waxa uu qoraagu ku sheegay in wax kasta oo bani’aadamku ka guul-gaadho iyo waxa uu ku guul-daraystayba in uu waxa uu ku gaadhay ay yihiin natiijada fikirkiisa, waxaan filaa in aad maqashay odhaahda ah 'haddii aad u malaynayso in aad awooddo inaad wax qaban karto ama aad u malaynayso in aanad awoodin inaad qaban karto labada marba waad saxan tahay', si la mid ah sidaas. dadku way ku guulaystaan ama way guul-daraystaan waxyaabaha taas oo ku xidhan fikirkooda, waxa kale oo uu qoraagu sheegayaa in dadka nolosha wax yar ka qabsaday ay yihiin dadka in yar u huray, halka dadka meel sare ka gaadhay nolosha ay yihiin dadka wax badan u huray.


Cutubka 6: Aragtida iyo Fikradaha

Cutubkaan qoraagu waxa uu ku leeyahay rabitaanku waxa uu u sameysan yahay in la helo, hamiguna waxa uu u sameysan yahay in la gaadho, qoraagu waxa uu yidhi hal riyo oo la rumeeyo ayaa kor u qaada in la yeesho riyooyin kale oo badan, qoraagu waxa uu leeyahay sida aad ku riyoonayso, ayaad noqon doontaa, aragtidu waa ballan-qaadka waxa aad noqon doonto maalin uun, qoraagu wuxuu leeyahay fikraddaada Wax sii suuraysiga waa saadaalintaada aad saadaalinayso waxa aad, ugu dambeyntii, daaha ka qaadi doonto, Qoraagu wuxuu sheegay in riyooyinku ay yihiin waxa dhaliya xaqiiqooyinka aan aragno, Waxaad noqon doontaa qof u yar sida ay u yar yihiin rabitaanadaadaa ku xakameeya oo sidoo kale u weyn sida ay u weyn yihiin Hamiyadaada Sar-sare.


Cutubka 7: Deganaanshiyaha

Qoraagu waxa uu sheegay in dabeecadda ugu quruxda badan ee aan inaba caadiga ahayn ay tahay degenaanshiyaha, degenaantuna ay tahay casharka ugu dambeeya ee dhaqanka, qoraagu waxa uu sheegay in degenaanshaha maskaxdu ay ka mid tahay waxyaabaha qurxiya xikmadda. Qoraagu waxa uu kuu sheekayaa in aad si adag gacmaha ugu dhigto oo aysan kaa fara baxsan maamulka iyo maareynta fikradahaaga.

Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page