top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

7 caado ee dadka ugu saameynta badan (7 Habits of Highly Effective People) by Stephen R. Covey

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • May 30, 2022
  • 17 min read

Updated: May 30, 2022


ree

Dhammaanteen waxaan dooneynaa inaan noloshaan guul ka gaarno dhinac walbaba ha noqotee. Mid ka mid ah dariiqooyinka aan guushaas ku gaari karno waa inaan aqoonsano caadooyinka naga caawin kara safarkayaga.

Waxaan ku talin lahaa in laga bilaabo dariiqaas adiga oo akhrinaya buuga Stephen R. Covey ee loogu iibsiga badnaa, waana buugga (7 Habits of Highly Effective People) 7 caado ee dadka ugu saameynta badan ama si kale hadaan u dhahno dadka waxtarka sare. Ma haysaa wakhti aad ku akhrido dhammaan 432 bog?

Waan ogahay - badideen waqti uma hayno 432 bog. Waa sababta aanu buugga oo dhan hoos kuugu soo koobay.

Buugga 7-da Caado ee Dadka Waxtarka Sare leh ee uu qoray Stephen R. Covey waa buug is-horumarineed. Waxa uu ka qoray fikir uu qabay oo ah in sida aynu dunida u aragno ay gebi ahaanba ku salaysan tahay aragtideenna. Si aan wax uga bedelno xaalad jirtana, ay tahay in aan nafteena beddelno, si aan nafteena u beddelnona waa in aan beddeli karnaa aragtideena.

Waa maxay caadooyinka ay leeyihiin dadka waxtarka sare leh?

Buuggu waxa uu ku bilaabmayaa sharraxaad ku saabsan dadka gaadhay guulaha sare ee dibadeed balse weli isku arkaya inay la halgamayaan baahida guusha gudaha ee ah horumarinta waxtarka shakhsi ahaaneed iyo kobcinta xidhiidhka caafimaadka leh ee dadka kale.

Covey waxa uu aaminsan yahay in sida aan u aragno aduunka uu gabi ahaanba ku salaysan yahay fikradaheena. Si aan wax uga bedelno xaalad jirta, waa in aan nafteena beddelno, si aan nafteena u beddelnona waa in aan beddeli karnaa fikradaheena.

200 sano oo la diraasaynayay cilmigan ah micnaha ama fikradda "guul", Covey waxa uu qeexay isbeddel aad muhiim u ah oo ku dhacay habka ay aadamuhu u qeexeen guusha waqti ka dib.

Waqtiyadii hore, aasaaska guushu wuxuu ku qotomay anshaxa dabeecadda (waxyaabaha sida daacadnimada, is-hoosaysiinta, dulqaadka, geesinimada, caddaaladda, fikirka, fududaanta, xishoodka, iyo Xeerka Dahabiga). Laakiin bilawgii 1920-kii, sida ay dadku u eegi jireen guusha waxay u wareegtay waxa Covey ugu yeedhay "anshax shakhsi ahaaneed" (halkaas oo guushu ay tahay shaqo shakhsiyeed, muuqaal dadweyne, iyo dhaqamo).

Maalmahan, dadku waxay raadiyaan xalal degdeg ah. Waxay arkaan qof, koox, ama urur guulaysta waxayna waydiiyaan, "Sidee u gaartay heerkaan? I bar farsamooyinkaaga!" Laakiin kuwan "talaabooyinkan fudud ee deg-dega ah" ee aan raadineyno, rajaynaynana inaan ku badbaadino waqtiga iyo dadaalka anagoo weli rabna inaan gaarno natiijada la rabay, waa sida dhaawac dhiig-joojin lagu sameeyay oo dhalin doona xalal waqti gaaban. tani ma xalinayso dhibaatada duugan.

"Sida aan u aragno dhibaatadu ayaaba ah dhibaatada," Covey ayaa yiri. Waa inaan u ogolaano nafteena inaan marto isbedelada jaan go'an - taasi oo ah in aan u bedelno nafteena si aasaasi ah oo aynaan u bedelin dabeecadaheena laga arkayo dusha sare - si loo gaaro isbeddel dhab ah.

Taasi waa halka aan ka soo galayno todobada caado ee dadka aadka waxtarka u leh:


- Caadooyinka 1, 2, iyo 3 waxay diiradda saarayaan is-xakamaynta iyo ka guurista ku-tiirsanaanta iyo inaan u guurno isku-tiirsanaanta shaqsiyadeed.

- Caadooyinka 4, 5, iyo 6 waxay diiradda saarayaan horumarinta shaqada kooxeed, iskaashiga, iyo xirfadaha isgaarsiinta, iyo ka guurista isku-tiirsanaanta shaqsiyadeed una guurno isku-wada-tiirsanaanta kooxeed ama qoyseed.

- Caadada 7 waxay diiradda saartaa korriinka iyo hagaajinta joogtada ah waxayna ka kooban tahay dhammaan caadooyinka aan kor ku soo xusnay.


7 caadooyinka dadka waxtarka sare leh

1. Noqo qof firfircoon (waxa intee dhicin qorshee ama ka fikir)

2. Bilow adigoo dhamaadka (hadafka) maskaxda ku haya

3. U kala Hormari hawlaha sida ay u kala horeeyaan (ama u kala muhiim san yihiin)

4. Ku fikir guul-guul (inaad adigana guulaysato qofka kale guuleysto)

5. Isku day inaad fahanto marka hore kadibna in lagu fahmo.

6. Isku-dubarid

7. Mindida afeey (caadooyinkan dib ugu laabo oo yeesan af beelin)


1. Noqo qof Hawl-kar ah (waxa intee dhicin qorshee ama ka fikir)

Anaga ayaa masuul ka ah nolosheena. Waxaan dooranaa qaabka aan u noolaan karno nolosheena. Isticmaal wacyi-gelintan si aad u noqoto qof firfircoon oo qaado mas'uuliyadda doorashadaada.

Dhaqanka ugu horreeya ee qoraaka ka hadlayo waa firfircoonida. Waxa inaga sooca bini-aadm ahaan dhamaan xayawaanka kale waa awoodeena dabiiciga ah ee ah in aan qiimayno dabeecadaheena, si aan u go'aansano sida aan u aragno nafteena iyo xaaladeen, iyo inaan xakameyno waxtarkeena.

Si fudud aan u dhigo, si loo noqdo mid waxtar leh waa inaan noqonaa kuwa firfircoon.

Dadka aan fir-fircoonayn waxay qaataan mawqif aysan noloshooda wax ka qaban karin - waxay rumaysan yihiin in dunidu ku dhacayso iyaga. Waxay yiraahdeen sida:

"Ma jiraan wax aan awoodo inaan ka qabto xaaladaas."

"SIdaasi waa sida aan ahay, oo ma badali karo."

Waxay u maleynayaan in dhibaatadu "ka baxsan tahay farahooda" - laakiin fikirkaasi waaye dhibaatada. dadka aan fir-fircoonayn waxay noqotaa wax waxyi is-fuliya, dadka aan fir-fircoonayn waxay dareemaan inay yihiin dhibbanayaal oo aan dhibaatadooda wax ka qaban karin.

Dadka firfircoon, dhanka kale, waxay ogyihiin inay leeyihiin masuuliyadda "responsibility" - ama "karti-ay-ku-jawaab-celin-karaan 'response-ability," taasoo Covey ku qeexay inay tahay awoodda lagu dooranayo sida ama qaabka aad uga jawaabi karto dhibaatooyinka ama xaaladaha kula soo darsa.

Si aan u noqono kuwa firfircoon, waa in aan diirada saarno Goobaha aan Saamaynta ku yeelan karno ee ku dhex jira Goobaha aan walaaca ka qabno - si kale haddii loo dhigo, waa in aan wax ka qabanaa meelaha aan awoodno inaan ka toosino waxyaabaha dhibaatada nagu haya inta aan diirada saari lahayn waxyaabaha aan wax ka qaban karin.

Tamartan togan ee aan ku dadaalno waxay sababi doontaa in Goobaheena Saamayntu balaartaan.

Dhanka kale, dadka aan fir-fircoonayn, waxay diiradda saaraan waxyaabaha ku jira goobahooda walaaca, laakiin diirada ma saaraan goobahoodii saamaynta, taas oo keenta in ay eedeeyaan arrimo dibadda ka ah, oo ay ka soo baxdo meeshaas tamar xun, oo keenta in Goobahoodii Saamayntoodu hoos u dhacdo.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Bilow beddelidda luqadda aan-firfircoonayn.

Dadka aanfir-fircoonayn = "Qofkaas marwalba uu iga xanaajiyaa." Dadka Fir-fircoon= "Anigaa maamula dareenkayga."

2. U beddel hawlaha aadan ka falcelin karin kuwo aad ka fal celin karto.


2. Bilow adigoo dhamaadka (hadafka) maskaxda ku haya

bilow adigoo hadaf cad maskaxda ku haya. Qoraaka wuxuu leeyahay waxaan u isticmaali karnaa qiyaalikeena si aan u horumarino aragtida waxa aan rabno inaan noqono oo aan u isticmaalno damiirkeena si aan u go'aansano mabaadi'da ina hagi doona.

Badankeen way u fududahay in aan nafteena mashquulno. Waxaan u shaqeynaa si adag si aan u gaarno guulo - dallacsiin, dakhli sare, aqoonsi dheeraad ah. Laakin inta badan ma u joogsanno si aan u qiimeyno macnaha ka dambeeya mashquulkan, ka dambeeya guulahaan - isma waydiinno in waxyaalahan aan diirada saarayno ay yihiin waxa runtii noo muhiimka ah.

Caadada 2 waxay soo jeedinaysaa, wax kasta oo aan samayno, waa inaan ku bilownaa anagoo dhamaadka maskaxda ku hayna. Ka bilow hadaf cad. Sidaas, waxaan ku hubin karnaa in tillaabooyinka aan qaadeyno ay yihiin kuwo ku socda jihada saxda ah.

Covey waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ka warqabka nafteena in ay awood inoo siinayso in aan qaabeyno nolosheena, halkii aan ku noolaan lahayn nolol ku saleysan heerarka ama dooqa dadka kale.

inaan bilawno anagoo dhamaadka maskaxda ku hayna ayaa sidoo kale aad muhiim ugu ah ganacsiga. Maareeynta ama maamulidda waxay ku saabsan tahay tayaynta waxtarka. Laakin in aad noqoto hogaamiye waxa ay ku saabsan tahay in marka horeba la dajiyo aragtida istaraatiijiyadeed ee saxda ah ee ururkaaga, oo aad is-waydiiso, "Maxaan u joognaa meeshaan in aan fulino?"

Kahor intaanan shaqsi ahaan ama urur ahaan bilaabin dejinta iyo xaqiijinta yoolalka, waa inaan awoodnaa inaan aqoonsanno mabaadi'deena. Habkani waxa uu ku lug yeelan karaa dib-u-qoris si aanu u xaqiijino mabaadi'da gaarka ah.

Dib u qorida, Covey wuxuu ku sharxayaa, waa aqoonsiga mabaadi'da aan waxtarka lahayn ee yaraantaada waalidkaa iyo bulshada kuu qoreen, iyo beddelidda qoraalladaas adiga oo si firfircoon u qoraya kuwa cusub oo lagu dhisay mabaadi'daada.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Si tafatiran u sawiro geeridaada iyo aasidaada. Yaa jooga? Maxay kaa sheegayaan? sideed u noolaatay noloshaada? sidee ahaayeen cilaaqaadka aad la lahayd dadka kugu hareeraysan? Maxaad jeclaan laheyd inay kaa sheegaan? Ka fakar sida ay muhiimadahaagu isu bedeli lahaayeen haddii aad kaliya haysato 30 maalmood oo dheeraad ah oo aad ku noolaato. Ku bilow inaad ku noolaato mudnaantan.

2. Kala jebi doorarka kala duwan ee noloshaada - ha noqoto xirfadaada, shakhsiyadaada, ama bulshadaada - oo qoro saddex ilaa shan hadaf oo aad rabto inaad mid kasta ka guul gaarto.

3. Qor waxyaabaha kaa cabsiiya ama aad ka cabsato. ma inaad fagaare ka hadashaa? ma waxaa weeye inaad Jawaab celin xun la kulunto ka dib markaad buug qorto? Qor xaaladda ugu xun ee noqon karto cabsidaada ugu weyn, ka dibna sawir sida aad u maarayn doonto xaaladdan. Qor sida saxda ah ee aad u maarayn doonto.

3. U kala Hormari hawlaha sida ay u kala horeeyaan (ama u kala muhiim san yihiin)

Si aan nafteena u maareyno si wax ku ool ah, waa in aan hawlaha u kala hormarinaa sida ay u kala horeeyaan. Waa inaan haysanaa anshax aan ku kala hormarino hawl maalmeedkeena iyadoo lagu salaynayo waxa ugu muhiimsan, ma aha waxa ugu degdegsan.

Caadada 2, waxaan kasoo hadalnay muhiimada ay leedahay go'aaminta mabaadi'daada iyo fahamka waxa aan dejineyno si aan u gaarno. Caadada 3 waxa ay ku saabsan tahay in aan dhab ahaan raacno yoolalkaas, iyo u fulinta sida ay u kala mudan yihiin maalin-maalin-maalin, daqiiqad-ilaa-daqiiqad.

Si aan u ilaalino anshaxa iyo diiradda, si aan ugu taagnaano wadadii yoolkeena, waxaan u baahanahay inaan yeelano awood aan hawlaha ku qabano xataa marka aynaan doonayn inaan samayno. Waxaan u baahanahay inaan u dhaqanno si waafaqsan qiyamkayaga halkii aan u dhaqmi laheyn sida rabitaankeena ama dareenkeena yahay wakhti kasta.

hawlaha aan qabano waxaan u kala saari karnaaa afar dhari:-

- dhariga koowaad: hawlaha muhiimka ah hadana deg-dega ah sida: mashruucyada waqtiyeysan, musiibooyinka.

- dhariga labaad: hawlaha muhiimka ah balse aan deg-dega ahayn sida: dhisida cilaaqaadka, raadinta fursadaha cusub iyo qorsheynta.

- dhariga saddexaad: hawlaha muhiimka ahayn balse deg-dega ah sida: kulamada, ka jawaabista wicitaanada iyo fariimaha.

- dhariga afaraad: hawlaha muhiimka ahayn hadana aan deg-dega ahayn sida: hawlaha raaxada leh, waqti lumiyayaasha sida daawashada TV-ga.

Waxaan ka falcelinaa arrimaha degdega ah. Waxaan waqtigeena ku bixinaa sameynta waxyaabo aan muhiim ahayn. Taasi waxay la macno tahay in aan dayacno hawlaha dhariga labaad, taas oo runtii ah tan ugu muhiimsan dhammaantood.

Haddi aan diirada saarno hawlaha dhariga koowaad oo aan waqtigeena ku bixino maaraynta xasaradaha iyo mashaakilaadka, way sii badanayaan ilaa ay ina qarqiyaan. Tani waxay keenaysaa cadaadis, gubasho, iyo si joogto ah inaan u damino dabka.

Haddi aan diirada saarno hawlaha dhariga saddexaad, waxaan ku bixinaynaa waqtigeena intiisa badan ka falcelinta arrimaha u muuqda degdegga, marka xaqiiqadu tahay in degdegooda la dareemayo ay ku salaysan tahay mudnaanta iyo filashada dadka kale. Tani waxay keenaysaa diirad-saarid mudda gaaban, dareenka inaan nafteena xakameyn karin.

Haddii aan diirada saarno hawlaha dhariga afaraad, waxaan asal ahaan noolnahay nolol aan mas'uuliyad lahayn. Tani waxay badanaa keentaa in shaqada nalaga eryo oo aan aad ugu tiirsanaano dadka kale.

hawlaha dharigga labaad waa udub dhexaadka maaraynta shakhsi ahaaneed ee waxtarka leh. Waxay wax ka qabataa waxyaalaha ay ka midka yihiin dhisidda cilaaqaadka, qorshaynta muddada-dheer, jimicsiga, diyaarinta - dhammaan waxyaalaha aynu ognahay inaan u baahanahay inaan samayno laakiin si uun ayay nooga hoos baxaan inaan dhab ahaantii sameeyno sababtoo ah ma dareemno degdegooda.

Si aan waqtigeena diiradda ugu saarno hawlaha dharigga labaad, waa inaan baranaa sida loogu yiraahdo "maya" hawlaha kale, mararka qaarkood kuwa u muuqda inay degdegga yihiin xataa. Waxaan sidoo kale u baahanahay inaan awoodno inaan si hufan wakiil ugu dirsano hawlahaas.

Waxaa dheer intaas, marka aan diirada saarno hawlaha dharigga labaad, waxay la macno tahay inaan horay usii fekereyno, ka shaqeyneyno xididdada walxaha, oo aan ka hortagayno dhibaatooyinka inay dhacaan marka horeba! Tani waxay naga caawinaysaa hirgelinta Mabaadi'da Pareto ee sheegaya - 80% natiijooyinkaagu ugu waaweyn waxay ka yimaadaan 20% wakhtigaaga.

Waa inaan had iyo jeer saarnaa diiradda koowaad xiriirka iyo natiijooyinka, marka xigtana waqtiga.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Aqoonso hawl dhariga labaad oo aad dayacday. Qor oo ballan-qaad dhaqan-gelintooda.

2. Samee jaantuska maaraynta wakhtigaaga si aad u bilawdo kala hormarinta.

3. Qiyaas inta jeer ee aad ku qaadato hawlaha afartaan dhari. Waqti intee le'eg ayaad ku qaadaa hawlaha dhariga labaad (hawlaha ugu muhiimsan)?

4. Ku fikir guul-guul (inaad adigana guulaysato qofka kale guuleysto)

Si loo aasaaso cilaaqaad wax-ku-ool ah oo isku-wada-tiirsanaan ah, waa inaan u heellanaa abuurista xaalad guul-guul oo faa'iido u leh oo qancisa dhinac kasta.

Covey wuxuu sharxayaa inay jiraan lix astaamood oo isdhexgalka aadanaha ah:

1. Guul-guul: Labada qof baa guulaysta. Heshiisyada ama xalalku waa kuwo faa'iido u leh oo ku qanacsan yihiin labada dhinac.

2. Guul-guuldaro: "Haddii aan guulaysto, waa inaad guul-dareysataa." Dadkan waxay u badan yihiin inay isticmaalaan jagada, awoodda, aqoonsiga, iyo shakhsiyadda si ay u helaan jidkooda.

3. Guuldaro-guul: "waan guuldareysanaa, ee adiga guuleyso." Dadkan waxay u nool yihiin inay raalligeliyaan dadka kale, oo xoog ka raadiyaan inay caan noqdaan ama in bulshada aqbasho iyaga.

4. Guuldaro-Guuldaro: "Haddii aan aniga guul-dareysto, waa inaad adiga guulaysanin" Labada qofba way guuldareysanayaan, marka laba qof oo guuldaro-guuldaro ah ay isu yimaadaan - taas oo ah, marka laba qof, oo go'aan xun, madax-adayg badan, shakhsiyada xun ay wada dhaqmaan- natiijadu waxay noqon doontaa Guuldaro-Guuldaro.

5. Guuleyso: Dadka qaba maanka guulayso qasab maaha inay rabaan qof kale inuu guuldaratsto - taasi waa wax aan khusayn. Muhiimadu waa inay helaan waxay rabaan.

6.Guul aan wada gaarno ama aan ku kala tagno: Haddii aan la gaari karin heshiis faa'iido u leh labada dhinac, wax heshiis ah ma dhacayo.

Doorashada ugu fiican waa in la abuuro xaalado Guul-Guul ah. Guuldaro-Guul ama Guul-Guuldaro, hal qof ayaa u muuqda inuu helayo waxa uu rabo xilligaas, laakiin natiijadu waxay saameyn xun ku yeelan doontaa xiriirka ka dhexeeya labadaas qof ee hore u socdka leh.

Xulashada Guul aan wada gaarno ama wax heshiis ah ma dhacayo"Win-Win or No Deal" ayaa muhiim ah in loo isticmaalo kayd ahaan. Marka aan haysanno wax heshiis ah ma dhacayo"No Deal" oo ah ikhtiyaarka maskaxdeena, waxay naga xoraynaysaa baahida aan u qabno inaan dadka aan ku riixno ama ku qalqaalino ajendaheena gaarka ah. Waxaan noqon karnaa kuwo furfuran oo runtii waxaan isku dayi karnaa inaan fahanno arrimaha hoose.

"Si aad go'aansato heshiis Guul-Guul ah, kaliya maaha inaad qof fiican noqoto, waa inaad noqotaa qof geesinimo leh." - Stephen Covey

Arrin kale oo muhiim ah oo lagu xallinayo xaaladaha Guul-guul waa ilaalinta Abundance Mentality ama aaminaadda in ay wax badan jiraan oo kuwada qof walba.

Dadka intiisa badan waxay ku shaqeeyaan Scarcity Mentality - taasoo la micno ah inay u dhaqmaan sidii in wax walba ay yihiin ciyaar eber-eber ka bilaabanaysa (si kale haddii loo dhigo, haddii aad adiga hesho, anigaa waynayo). Dadka qaba Maskax-yaridaas waxay aad ugu adag wadaagista aqoonsiga ama magaca waxaanaa ku adag inay si dhab ah ugu farxaan guusha dadka kale.

Marka ay timaado hogaaminta dadka isku-wada-tiirsan, markasta oo dabeecadeena dhabta ahi ay sii badato, waxa kor u kaca heerka hawlkarnimo; Hadba sida aan ugu heelan nahay in aan Guul-guul ku guulaysano, ayay u sii xoog-badataa saamaynteena.

Si loo gaaro guul-guul, diirada saar natiijooyinka, ha saarin hababka; diirada saar dhibaatooyinka, ha saarin dadka.

Ugu dambeyntii, ruuxa aaminsan guul-guul kuma noolaan karo jawi tartan. Urur ahaan, waxaan u baahanahay inaan la jaanqaadno nidaamka abaal-marinteena iyo hadafyadayada iyo mabaadi'deena oo aan yeelano nidaamyada lagu taageerayo guul-guul.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Ka fakar is dhexgalka soo socda halkaas oo aad isku deyi doonto inaad heshiis ama xal ku gaadho. Qor liiska waxa uu qofka kale rabo. Marka xigta, ku qor liis ku xiga sida aad wax u bixin karto si aad u daboosho baahiyahaas.

2. Cadeey saddex xiriir oo muhiim u ah noloshaada. Ka fakar waxa aad dareemayso in isku dheelitirnaanta uu ku jiro mid kasta oo ka mid ah cilaaqaadkaas. Ma waxaad bixisaa wax ka badan inta aad qaadato? ma waxaad Qaadataa wax ka badan inta aad bixiso? Qor 10 siyaabood oo aad mar walba ku bixin karto wax ka badan inta aad mid kasta ka qaadato.

3. Si qoto dheer uga fiirso dareenkaaga is dhexgalka. Ma yihiin guul-guuldarro? Sidee bay taasi u saamaysaa la dhaqankaaga dadka kale? Ma garan kartaa halka aad ka keentay habkaas? Go'aanso in habkani uu si wanaagsan kuugu adeegayo cilaaqaadkaaga iyo in kale. Qor waxaasoo dhan.

5. Isku day inaad fahanto marka hore kadibna in lagu fahmo.

Kahor intaanan bixin talo , soo jeedin xal, ama aan si wax ku ool ah ula falgelin qof kale, waa inaan ku dadaalnaa inaan si qoto dheer u fahanno iyaga iyo aragtidooda anagoo adeegsanayna dhageysi naxariis leh.

Aynu nidhaahno waxaad u tagtay dhakhtarka indhaha oo waxaad u sheegtay in aad dhib kala kulmayso aragga maalmahaan, markaasuu ookiyaalaha iska siibay, oo uu gacanta kuu galiyay oo uu ku yidhi, "Hoo, kuwan tijaabi - waxay ii shaqaynayeen sannado badan! " Waad gashatay, laakiin waxay sii siyaadiyeen dhibaatada. intee la egtahay fursadaha aad dib ugu noqon karto dhakhtarkaas indhaha?

Nasiib darro, waxaan samaynaa sidaas marka aan rabno inaan la dhaqanno dadka kale. Waxaan qornaa xalka ka hor inta aynaan ogaan dhibaatada. Ma raadino inaan si qoto dheer u fahanno dhibaatada marka hore.

Caadada 5 waxa ay leedahay waa in aan marka hore ku dadaalnaa in aan wax fahanno,ka dibna nala fahmo. Si aan u raadinno in aan wax u fahanno, waa in aan baranaa in aan wax dhegeysanno.

Si fudud hadaan u dhaho uma isticmaali karno hal farsamo ama hal hab si aan qof u fahanno. haddii qofku dareemo inaan qiyaamayno asaga, waxaa su'aal ka geli doontaa ujeedadeena ama danta aan ka leenahay oo mar dambe ma dareemayo ammaan inuu si furan nagula hadlo.

Si aad si naxariis leh u dhegaysato qofka waxaad u baahan tahay inaad badasho qaab maskaxeedkaada. Caadi ahaan waxaan ku dadaalnaa marka hore in la fahmo meesha aan hadalka u wadno. Dadka badankiisu waxay wax u dhegaystaan oo ​​ujeeddadooduna tahay inay ka jawaabaan waxaas ee maqleen, ma aha inay fahmaan. maanta dhan, ama way hadlayaan ama waxay isu diyaarinayaan inay hadlaan.

hadaan ka soo tagno, Qoraagu wuxuu tilmaamayaa, khubarada isgaarsiintu waxay qiyaasayaan oo ah:

- 10% isgaarsiinteena waxaa matala erayadayada aan afka ka orano.

- 30% waxaa matala dhawaaqayada mise sida aad u dhahdo.

- 60% waxaa matala luqada jirkeena.

Marka aynu si shakhsi ah u dhegaysanno, waxaynu u janjeersanaa inaan kaga jawaabno afar siyaabood midkood:

1. inaan qiimeyno: inaan ku raacno ama ka horjeesano waxa la yidhi

2. inaan baaritaan ku sii sameyno: Waydiino su'aalo tixraac ah

3. inaan talo soo jeedino: Siino talo ku salaysan waayo-aragnimadeena

4. inaan turjumno ama fasirno: Isku dayno in aan ogaano qofka waxa ku kalifaya iyo hab-dhaqankiisa adiga oo ku salaynana waxa aanu aaminsan nahay iyo hab-dhaqankeena

Laakiin haddii aan ku beddelno jawaabaha noocaan ah dhegeysiga xamaasadda leh, waxaan arki karnaa natiijooyin lama filaan ah oo ku timid isgaarsiinteena oo hagaagtay. Waxay qaadataa wakhti in la sameeyo isbeddelkan.

Qaybta labaad ee Caadada 5 waa "... ka dibna in nala fahmo." Tani waxay si la mid ah muhiim u tahay gaaritaanka xalalka Guul-Guul ka ah.

"inaad qofka fahanto waxay u baahan tahay inaad tix gelin badan leedahay, balse in lagu fahmo waxay u baahan tahay in aad leedahay geesinimo" Stephen R. Covey.

Marka aan awoodno in aan si cad u soo bandhigno fikradaheena, iyo macnaha guud ee fahamka qotoda dheer ee aan ka dheehany baahida iyo welwelka qofka kale, waxaan si weyn u kordhineynaa kalsoonida fikradaheena.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Marka xigta oo aad daawanayso laba qof oo wada hadlaya, dhegahaaga faraha ku cub ama dabool oo daawo luuqad jiroodkooda. Waa maxay shucuurta ama dareemayaasha la isugu kala xiriirayo ee aan laga dheehan karin kelmadaha ay isku oronayaan? qofkee xiisaynayay wada hadalka? Qor waxaad dareentay.

2. Marka xigta oo aad soo bandhigayso hadal dadka hortooda, ku xisaabtan baahidooda. Ku bilow adigoo si faahfaahsan u qeexaya ra'yiga dhagaystayaasha. Waa maxay dhibaatooyinka ay la kulmayaan? Sidee ayay waxa aad soo bandhigayso u xalin karaan dhibaatooyinkooda?

6. Wada-Shaqeyn

Fahamka iyo qiimeynta kala duwanaanshaha aragtida qof kale, waxaan haysanaa fursad aan ku abuurno wada-shaqeyn, taas oo noo ogolaaneysa inaan helno fursado cusub taasoo natiijo u ah furfurnaanta iyo hal-abuurnimadda.


Isku darka dhammaan caadooyinka kale waxay noo diyaarinayaan Hab-dhaqanka Caadada 6, oo ah dabeecadda wada shaqeynta ama "Marka hal hal lagu daro ay saddex noqoneyso iyo wax ka badan oo isku-duubnida kooxda ayaa ka weynaanayso wadarta qaybaha kooxda."

Tusaale ahaan, haddii aad isku ag beerto laba dhir oo aad isku dhaweyso, xididadoodu way is-dari doonaan ama way is-gudbi doonaan taas oo hagaajinaysa tayada carada, labad geed ayaa u baxaya si wanaagsan marka ay iska ag dhawaadaan in ka badan marka la kala dheereeyo.

Wadashaqeyntu waxay noo ogolaataa inaan abuurno fursado cusub oo aan yeelano hal-abuur cusub. Waxay noo ogolaanaysaa koox ahaan inaan si wada jir ah ugu heshiino inaan tuurno qoraaladii hore oo aan qorno kuwa cusub.

Haddaba sidee baan ugu soo bandhigi karnaa deegaankeena wada shaqaynta? dabaq caadooyinka 4 iyo 5 - waa inaad ku fikirtaa guul-guul oo aad marka hore ku dadaashaa inaad fahanto.

Markaad kuwaas maskaxda ku hayso, waxaad is-waafajin kartaa rabitaankaaga iyo kuwa qofka kale ama kooxda kale. wixii markaas ka danbeeya ma tihiin dhinacyadii iska soo horjeeday ee dhibaatada isku arkay - waxaad iskala soo jeedsanaysiin hal dhinac, idinkoo hal dhinac ka eegaya ama ka fiirinaya dhibaatada, fahmaya dhammaan baahiyaha, oo ka shaqeynaya sidii aad u abuuri lahaydeen beddelka saddexaad ee dhibaatadiina dabooli doona.

Waxa aynu ku kala tagayno maaha wax kala iibsi, balse waa is-dhaafsi. Labada dhinacba waxay helayaan waxay rabaan, waxaana sii dhismaysa xiriirkooda inta ay ku jiraan hawshaas.

Markaan kusoo bandhigno shaqsiyadeena si kalsooni iyo badbaado leh, waxaan ku dhiirigelin doonaa dadka kale inay noqdaan kuwo aad u furfuran oo midba midka kale la qeybsada aragtidiisa iyo fikradihiisa, abuurana is-garab istaag ama wada shaqeyn.

Nuxurka dhabta ah ee wada shaqayntu waa qiimaynta kala duwanaanshaha - farqiga maskaxeed, dareemeed, iyo nafsiyadeed ee u dhexeeysa dadka.

"furaha lagu qiimeyo kala duwanaanshaha waa in la garwaaqsadaa in dhamaan dadka ay waxyaabaha isku si u arkin balse ay u arkaan sida ay yihiin" Stephen R. Covey.

intaa hadaan ka soo tagno, haddii laba qof ay leeyihiin fikrad isku mid ah, mid ayaanan loo baahnayn. Markaan ogaano qof aragtidiisa naga duwan tahay, waxaan dhihi karnaa, "way fiican tahay! Waxaad u aragtaa si ka duwan sidayda! igu caawi inaan u arko sida aad u aragto."

Waxaan ku dadaalaynaa marka hore inaan fahamno, ka dibna waxaan helnaa awoodda iyo faa'iidada aragtiyadaas kala duwan si aan u abuurno fursado cusub iyo natiijooyin guul-guul ah.

wada shaqeynta waxay kuu ogolaanaysaa inaad:

- qiimeyso kaa duwanaanshaha dadka kale si aad u ballaariso aragtidaada.

-Tamar xun dhinac isaga leexiso ee aad aragto wanaagga dadka kale.

-yeelato geesinnimo xaaladaha isku-wada-tiirsanaanta ah si aad u furfurnaato uguna dhiirigeliso dadka kale inay isku kaa furfuraan.

-yeelato hal-abuurka oo soo hesho xal u roon qof walba adiga oo raadinaya beddelka saddexaad.

Casharrada Muhiimka ah aad ka qaadan karto waa:

1. Qor liiska dadka kaa xanaajiyay. Hadda dooro hal qof. Sidee ayay u kala duwan yihiin aragtiyadiina? booskooda is dhig hal daqiiqo. u fakar oo u dhaqan sida ay yihiin oo kale. Tani miyay kaa caawinaysaa inaad si fiican u fahanto halka ay ka socdaan?

Haddaba marka xigta oo aad is khilaaftaan qofkaas, isku day inaad fahanto waxa uu ka welwelayo iyo sababta ay kuugu khilaafsan yahay aragtidaada. Sida ugu dhaqsiyaha badan ee aad u fahmi karto iyaga, ayay u dhaqsi badnaan doontaa inaad bedesho maskaxdooda - ama badasho maskaxdaada.

2. Qor liis ay ku qoran yihiin dadka aad si wanaagsan isku fahamtaan. Haddaba dooro hal qof. qaado hal aragti aad isku qilaaftaan? Hadda qor xaalad aad lahaydeen wada shaqayn iyo is-faham aad u wanaagsan. maxay ahad sababtu? Shuruudo noocee ah ayaa kasoo kaa baxdeen si loo gaaro heerkaas isdhexgalka ah? Marka adigoo isticmaalaya maskaxdaada sideed dib ugu abuuri kartaa xaaladaas oo kale?

7. Mindida afeey (caadooyinkan dib ugu laabo oo yeesan af beelin)

Si aan waxtar u yeelano, waa inaan ku bixinaa waqti si aan nafteena dib ugu cusboonaysiinno jir ahaan, ruux ahaan, maskaxiyan, iyo bulsho ahaanba. Cusbooneysiinta joogtada ah waxay noo ogolaaneysaa inaan si wadajir ah u kordhino awoodeena ku dhaqanka caado kasta.

Caadada 7 waxay diiradda saartaa dib u cusbooneysiinta, ama inaad waqti siiso "si aad u afeysato mindadaada." Waxay ku xeyndaaban tahay caadadaan dhammaan caadooyinka kale waxayna mid kasta ka dhigtaa mid suurtogal ah iyadoo ilaalinaysa sidoo kalena kor u qaadaysa hantidaada kuugu weyn - nafsadaada.

Waxaa jira afar qaybood oo dabeeci ah oo aan leenahay, mid walbana waa in si joogto ah loola dhaqmaa, iyo afartaba loo dhaqan galinayo sidheellitiran:


Dhanka Jirka: Hadafka horumarka jireed ee joogtada ah waa in aan u jimicino jirkeena qaab kor u qaadi doona awooddeena shaqo, laqabsiga, iyo ku raaxaysiga.

Si aan nafteena dib ugu cusboonaysiisano jir ahaan, waa in aan:

-Si fiican wax u cunnaa.

-Helnaa nasasho nagu filan iyo waqti raaxo.

-Sameenaa jimicsi joogto ah si aan u dhisno dulqaad, dabacsanaan, iyo xoog.

Diirada saarida cabbirka jireed waxay gacan ka geysataa horumarinta murqahii lagu qaban lahaa caadada 1-aad ee hawl-karnimo. Waxaan u dhaqmeynaa marka hore inaan qiimeyno fiyoobidda caafimaadka jirkena halkii aan ka falcelin lahayn xoogagga naga ilaaliya jirdhiska.

Dhanka Ruuxda: Hadafka dib u cusboonaysiinta nafteena ruuxiga ah waa in aan qabano hoggaanka nolosheena oo aan xoojino sida ay noogu go'an tahay inaan raacno mabaadi'da noo dagsan.

Si aad u cusboonaysiiso ruuxdaada, waxaad sameyn kartaa:

-Ku laalaabato fikirkaaga si maalinla ah.

-La dhaqanto nolosha dabeecigga ah.

Diirad saarista dhankeena ruuxiga ah waxay naga caawisaa inaan ku dhaqano Caadada 2-aad, anagoo si joogto ah dib u eegis ugu samaynayna nafteena, si aan u bilaawnono anagoo dhamaadka maskaxda ku hayna.

Dhanka Maanka: Hadafka dib u cusboonaysiinta caafimaadka dhimirku waa inaan sii wadno ballaarinta maskaxdeena.

Si aad maskax ahaan isku cusboonaysiiso, waxaad sameyn kartaa:

-inaad akhriso buugaag wanaagsan.

-inaad samaysato joornaalka fikradahaaga iyo khibradahaaga.

-inaad xaddidid isticmaalka internet-ka adigoo kaliya raacanaya barnaamijyada kobciya noloshaada iyo maskaxdaada.

Diirada saarista dhankeena maskaxeed waxay naga caawisaa inaan ku dhaqano caadada 3aad anagoo si fiican u maaraynayna nafteena si aan u kordhino isticmaalka waqtigeena iyo agabyada aan heesano.

Dhanka Bulshada/Dareenka: Hadafka dib-u-cusboonaysiinta nafteena bulsho ahaan waa in la horumariyo cilaaqaad macno leh.

Si aad u cusboonaysiiso naftada dhanka dareenka, waxaad sameyn kartaa inaad:

-ku dadaasho inaad si qoto dheer u fahanto dadka kale.

-Wax ku darsato mashaariicda waxtarka leh ee hagaajiya nolosha dadka kale.

-ku dadaasho inaad ka caawiso dadka kale inay guul gaaraan.

Cusboonaysiinta dhankeena bulshadeed iyo dareemeed waxay naga caawisaa inaan ku dhaqano caadooyinka 4, 5, iyo 6 anagoo aqoonsanayna in xalal guul-guul ah ay jiraan, ku dadaalayna inaan fahanno dadka kale, iyo soo helno ikhtiyaarka saddexaad ee faa'iido u leh dhamaan dhinacyada arrinta ka dhaxayso, iyada oo loo marayo is-dhexgalka.

Marka aan diirada saarayno dib u cusboonaysiinta nafteena iyadoo la raacayo afartan dhinac, waa inaan sidoo kale raadinaa inaan u noqono qof ay ku daystaan dadka kale. Waa inaan dadka kale ku dhiirigelino waddo sare annagoo tusayna inaynu aaminsanahay iyaga, anagoo si naxariis leh u dhegaysanayna, anagoo ku dhiirigelinayna inay noqdaan dad hawl-kar ah.

Quruxda dhabta ah ee caadadan 7-aad ayaa ah in horumarinta hal caado ay si wada jir ah u kordhiso awooda aan ku hagaajino caadooyinka kale.

Cusbooneysiintu waa habka awoodda noo siinaysaa inaan u socono dhanka sare ee koritaanka iyo isbeddelka, ee horumarinta joogtada ah.

Casharrada Muhiimka ah:

1. Samee liis waxqabadyo oo kaa caawin kara inaad naftaada ka cusboonaysiiso mid kasta oo ka mid ah 4-tan dhinac. Dooro hal waxqabad kasta oo u qor sida hadafyo toddobaadka soo socda ah. Dhammaadka usbuuca, qiimee waxqabadkaaga. Maxaa kuu horseeday inaad guulaysato ama aad ku guul daraysato hadaf kasta?

2. Go'aanso oo u qalab-qaado inaad hadafyadaada ku darsato hal hadaf oo afaynaysa mindiyadaada kala ah afarta dhinac ee noloshaada.

Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page