Xeerarka Jaceylka 102: Ma jiro Jaceyl Aan Shuruud Laheyn
- TOP TEN
- Jun 20, 2022
- 2 min read
waxa ugu xun ee aan aamini karno waa inuu jiri karo jaceyl aan shuruud laheyn, waa laga yaabaa in nalaga gaday aragtidaas, balse, in la isku dayo in lagaa dhaadhiciyo iyo in lagaa gado waa labo shey oo kala duwan, haddii aan dhahno, waxaa jiro, qof qofkale ku jeclaan karo asiga oo aan wax shuruud ah ku xirin, waa sida anagoo dhahnay, waxaan awood u leeyahay inaan qof u jeclaado, asigoo wax kasta sameyn kara, wax kasta aaminsanaan kara, wax kasta noqon kara, taasoo gabi ahaanba, noqonaysa mid ka hor imaan karta mabaadi'da jaceylka.
waxaa fudud, inaad dadka qaar ka dhaadhiciso, wax jaceyl la dhahaayo ma jiro, intii aad isku dayi laheyd, inaad ka dhaadhiciso waxaa jiro, wax la dhahaayo jaceyl, oo aan shuruud ku xirneyn.
haddii aan si kale u dhaho, horta way adagtahay inuu shay jiro, asigoo aan wax shuruud ah ku xirneyn, -waxaan ka hadlayaa waxa dunida yaala- waxaa jira waxyaalaha qaar oo xataa qofka aduunka ugu romantic-san ka yeeli kara inuu kugu noco heer uusan kugu habaari karin xitaa dadka uu uugu neceb yahay, haddii aan taas isla garano, waxaa laga yaabaa, inay doodeena meeshan kusoo idlaatay, balse aan sii wadno, suureyso, sifada ugu xun uu qof yeelan karo, hadaba suureyso, qof aad isleedahay waxaad u jeceshahay sida ugu daran ee aad qof u jeclaan laheyd, qofkaas wajigiisa masii fiirin laheyd? qofkaas masii jeclaan laheyd?.
in jaceylka shuruudaysnaado, maka dhigayso jaceylka mid daciif ah! waxay ka dhigta jaceylka mid dhab ah, marka aad leedahay, qof waan jeclahay, taas waxay la micno tahay, inaad leedahay, inaad qofkaas u jeceshay sida ay usoo bandhigaan dunidan shakhsiyad ahaan, waxaad jeceshay dhamaan waxa ka yeela qofka uu yahay, waxaa laga yaabaa, haddii laga reebo hal sheey oo kaliya, in dareenka aad u qabtid uu dhamaantiisba uu burburo, waa sida ciyaarta Jinga Tower, waxaa laga yaabaa inaad dhoor shey ka qaado ama ku darto, iyadoo aysan dhamaan soo wada daadanin, jaceylna aasaaska laguma dhisi karo.
Comments