top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

SIDE LOOGA YEELO HAANTA JACEYLKA MID MARWALBA BUUXDA

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • Mar 12, 2023
  • 7 min read

Jacaylku "Love" waa erayga ugu muhiimsan luqadda Ingiriisiga —ahna kan ugu wareerka badan, Mufakiriinta cilmaaniga iyo kuwa diiniga labadaba waxay isku raacsan yihiin in jacaylku uu ka ciyaaro door udub dhexaad ah ee nolosha. Waxaa naloo sheegay in "jacaylku yahay shay qurux badan" iyo in "jacaylku uu yahay waxa adduunka wareejiya." Kumanaan buug, heeso, joornaal iyo filimaan ayaa ereyadaan cusbo usii yeela. Nidaamyo badan oo falsafadeed iyo kuwa fiqhiyeed ayaa meel caan ah u sameeyay jacaylka. Aasaasihii caqiidada Masiixigana waxa uu rabay in jacaylku noqdo astaanta lagu garto dadka asiga raacsan.

Dhakhaatiirta cilminafsiga waxay isku raaceen in baahida loo qabo in qofka dareemo in la jecel yahay ay tahay baahi dareen oo aasaasi u ah aadanaha. Jaceyl dartiis, waxaan u fuuli doonaa buuro, badweyn ayaan uga gudbi doonaa, waxaan mari doonaa saxare ciid ah, waxaana u dulqaadan doonaa dhibaatooyin aan la soo koobi karin. Jacayl la'aantiisna, buuruhu waxay noqdaan kuwo aan la fuuli karin, badaha waxay noqon doonaan kuwa aan la gudbi karin, saxaraha wuxuu noqonayaa kuwa aan loo dulqaadan karin, iyo sidoo kale dhibaatooyinka nolosha. Rasuulkii Masiixiyiinta ee loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn, Bawlos, wuxuu kor u qaaday jacaylka markii uu muujiyay in dhammaan guulaha aadanaha ee aan jacaylku kicin ay yihiin, ugu dambeyntii, kuwa madhan. Wuxuu ku soo gabagabeeyay in jiliinka ugu dambeya ee riwaayada aadanaha, kaliya seddex jilayaal ayaa ku soo hari doonaan: "Iimaanka, Rajada, iyo jacaylka. Laakiin kuwaas waxaa ugu weyn jacaylka."

Haddaynu isku raacno in ereyga jacayl uu ku dhex milmay bulshada bini’aadamka, taariikh ahaan iyo wakhtigan xaadirka ahba, waa in aynu sidoo kale isku raacno inuu yahay kelmad jahawareer badan. Waxaan u isticmaalnaa kun siyaabood. Waxaan nidhaahnaa, "Waan jeclahay rootiga iyo xalwada la isku cuno," halka isla hadalka ku xiga aan odhanayno, "Waan jeclahay hooyaday." Waxaan ka hadalnaa hawlaha qabashadooda aan jecelnahay sida: dabaasha, ciyaarta barafka, ugaarsiga. Waxaan jecelnahay walxaha sida: cuntada, baabuurta, guryaha. Waxaan jecelnahay xayawaanada sida: eeyaha, bisadaha. Waxaan jecelnahay waxyaabaha dabiiciga ah sida: geedaha, cawska, ubaxa, iyo cimilada. Waxaan jecelnahay dadka sida: hooyo, aabbe, wiilasheena, gabadhaheena, waalidiinteena, xaasaskeena, asxaabteena. Waxaan xitaa jeclaanaa jacaylka.

Haddii waxaas oo dhan aysan kaaga filneyn jahawareer, waxaan sidoo kale u isticmaalnaa ereyga jacayl si aan u sharaxno dhaqamadeena. "Waxaan u sameeyay sidaas, sababtoo ah waan jeclahay iyada." Sharaxaaddaas waxaa lagu bixiyaa dhammaan nooc walba oo falal ah. Nin ayaa wuxuu ku lug yeelanayaa xiriir sino ah, wuxuuna ku magacaabayaa jacayl, halka daaciga masiixiga ah, dhanka kale, uu ku tilmaamayo dembi. Xaaska ninka Khamriga iska badaiya marka ay hagaajinayso wax uu ninkeeda haleeyay xalay markuu markale iska badiyay. Waxay ugu yeertaa jacayl, laakiin khabiirka cilmi-nafsiga ayaa ugu yeera xaaladaas oo kale Qof aan qofka kale ka maarmaynin inay tahay xaaska. Waalidku fuliya dhammaan rabitaanada ilmahiisa, isaga oo ugu yeeraya jacayl. halka dhakhtarka qoyska uu ugu yeero waalid aan mas'uul ahayn. hadaba Waa maxay dhaqamada uu leeyahay jacaylka?

Ujeeddada buuggani maaha in aan meesha ka saarno dhammaan jaahwareerka ku xeeran ereyga jacayl, balse waa in aan diiradda saarno jacaylka nooca lagama maarmaanka u ah dareenka caafimaadka leh.

Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga carruurtu waxay caddeeyaan in ilmo kastaa leeyahay baahiyo shucuureed oo aasaasi ah oo ay tahay in la buuxiyo haddii la rabo inuu niyadda ka xasilo. Baahiyahaas shucuureed, ma jiro wax asaasi ah oo aan ka ahayn baahida jacayl iyo kalgacal, baahida uu u qabo ilmaha in uu dareemo in isaga ama iyadu uu ka tirsan yahay meel uun, oo asaga ama iyada la rabo. Marka uu helo kalgacal ku filan, ilmuhu waxay u badan tahay inuu u koro qof weyn oo mas'uul ah. Jacaylkaas la’aantiis, waxa uu noqonayaa qof niyad ahaan iyo bulsho ahaanba dib u dhacsan.

Waxaan jeclaystay sarbeentan markii ugu horeysay ee aan maqlayay: "Cunug kasta gudahiisa waxaa ku jira 'haan dareen' oo sugaya in jacayl laga buuxiyo. Marka ilmuhu runtii dareemo in la jecel yahay, si caadi ah ayuu u kobcayaa laakiin marka haanta jacaylku madhan tahay, ilmuhu si xun buu u dhaqmayaa. Inta badan dhaqan xumada carruurta waxaa sabab u ah damaca uu ka qabo ‘haanta jaceyl" ee madhan, Waxaan dhageysanayay Dr. Ross Campbell, oo ah dhakhtarka dhimirka oo ku takhasusay daawaynta carruurta iyo ilmaha qaan-gaarka.

Markii aan dhegaystay, waxa aan ka fikiray boqollaal waalid oo xumaanta carruurtooda kaga hadlaya xafiiskayga. Weligay maan suuraysanin haanta jacayl ee madhan ee ku dhex jirta carruurtaas, laakiin hubaashii waan arkay natiijada ka dhalatay. Dhaqan-xumadooda waxay ahayd baadigoob khaldan oo ay ku raadinayeen jacayl aysan dareemin. Waxay ka raadinayeen jacaylkaas meel kasta oo khaldan iyagoo ku raadinaya si walba oo khaldan.

Waxaan xusuustaa Ashley, oo ah saddex iyo toban jir laga daweynayay cudur galmada lagu kala qaado. Waalidkeed way niyad jabsanaayeen. Waxay u xanaaqeen Ashley. Waxay ka xumaadeen iskuulkii waxbarasho ee ay dhiganaysay, oo ay ku eedeeyeen inay barayeen waxyaabo ku saabsan galmada. "Maxay sidan u samaynaysaa?" ayay is-waydiinayeen.

jiritaanka bani-aadmka waxa xudun u ah waa rabitaanka in uu helo qof ka ag dhow oo ay is-jecelyihiin. Guurka waxaa loogu talagalay in uu daboolo baahidaas rabitaan iyo jacayl.

Wadahadalka aan la yeeshay Ashley, waxay iigu sheegtay in markii ay is furayeen waalidkeed ay ahayd lix jir. "Waxaan u malaynayay in sababta uu aabahay nooga tagayo inay aheyd inuusan i jecleyn," ayay tidhi. “Markii hooyaday ay dib u guursatay anigoo toban jir ah, waxaan dareemay inay hadda heshay qof ay jeclaato, laakiin weli aniga ma helin cid i jeclaata. Aad ayaan u rabay in la jeclaado. Wiilkaan waxaan kula kulmay iskuulka. Wuu iga weynaa, laakiin wuu i jeclaa. Waan rumaysan kari waayay. Wuu ii naxariisan jiray, muddo kadib waxaan dareemay inuu i jecel yahay. Ma rabin inaan galmo sameeyo, laakiin waxaan rabay in la i jeclaado."

"haanta jacaylka" Ashley waxay madhnayd sanado badan, hooyadeed iyo aabaheed waxay buuxiyeen baahideeda jireed laakiin ma aysan garwaaqsan halganka dareen ee qotoda dheer ee ka dhex guuxayay gudaheeda. Dhab ahaantii way jeclaayeen Ashley, waxayna u maleeyeen inay dareentay jacaylkooda. Ilaa ay goor dambe ay ogaadeen in aanay ku hadleynin luuqadeed jacayl ee aasaasiga u ah Ashley.

Baahida dareen ee aan u qabno jacaylka, si kastaba ha ahaatee, ma aha mid si fudud nogu dhaafta carruurnimadeena. Baahidaasi waxay inoo raacdaa qaangaadhnimada ilaa guurka. Waayo-aragnimada "inaad wax jeclaato" waxay si ku-meel-gaar ah u daboolaysaa baahidaas, laakiin waxaa lama huraan ah in "dhakhso u hagaajintaas", sida aynu dib uga baran doonaba, inay leedahay waqti xadidan oo la saadaalin karo. Ka dib marka aan ka soo degno heerka quruxda badan ee "jacaylka", baahida dareen ee jacaylka ayaa soo muuqanaysa sababtoo ah waxay aasaas u tahay dabeecadeena. Waxay udub dhexaad u tahay rabitaankeena dareemeed. Waxaan u baahanahay jacayl ka hor inta aynaan "jacayl qof la wadaagin," oo waxaan u baahan doonaa inta nolosha ka dhiman.

Baahida loo qabo in laga dareemo jecel qofka guurka aad wadaagaysaan waa udub dhexaadka rabitaanka guurka. Nin ayaa dhawaan igu yidhi, "Maxaa laga faa'iidaya guriga, baabuurta, guriga xeebta noogu yaala, iyo inta kale ee hartay haddii ay xaaskaagu ku jeclayn?" Ma fahantay waxa uu run ahaantii ka hadlayo? "Wax kasta waxa ka badan, wa rabitaanka in ay i jeclaato xaaskeyga." Waxyaabaha maadiga ah beddel uma noqon karaan jacaylka bini'aadmiga ah iyo dareenka. Xaas ayaa igu tidhi, "Maalintii oo dhan wuu iska kay indha tirayaa, ka dibna wuxuu rabaa inuu sariirta igula boodo. waan necbahay midaas.” Iyadu ma aha xaas galmada neceb; waa xaas aad u tabaysa jacayl dareen leh.

Wax dabiicigeena ah ayaa u ooman in qof kale na jeclaado. Go'doomintu waxay dhaawacdaa maskaxda aadanaha. Taasi waa sababta xabsiga kelinimada loogu arko ciqaabta ugu naxariista daran. jiritaanka bani-aadmka waxa xudun u ah waa rabitaanka in uu helo qof ka ag dhow oo ay is-jecelyihiin. Guurka waxaa loogu talagalay in uu daboolo baahidaas rabitaan iyo jacayl. Taasi waa sababta qoraalladii hore ee Baybalka ay uga hadleen ninka iyo naagtu inay noqonayaan "dad hal ah." Taas macnaheedu maaha in shakhsiyaadku lumin doonaan aqoonsiyadooda u goonida ahaa; balse waxay ka dhigan tahay in midba midka kale noloshiisa u geli doono si qoto dheer oo ay isaga dhawaan doonaan dadka kale.

Qorayaasha Baaybalka "New Testament" waxay ku xujeeyeen labadaba, ninka iyo naagta inay is jeclaadaan. Laga soo bilaabo Plato ilaa Peck, qorayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimada jacaylku u leeyahay guurka.

Laakiin, haddii jacaylku muhiim yahay, sidoo kale waa mid aan la qarin karin. Waxaan aad u dhegaystay lamaanayaal badan oo is qaba oo ila wadaagay xanuunkooda u qarsan. Qaar baa iigu yimid sababtoo ah xanuunka gudaha ayaa noqday mid aan loo adkaysan karin. Qaar kale waxay u yimaadeen waxay ogaadeen in habdhaqankooda ama dhaqan xumada xaaskooda ay burburinayso guurkooda. Qaar baa si fudud iigu yimid si ay iila socosiiyaan in aanay doonayn in ay guurka ku sii baaqi noqdaan. Riyooyinkoodii ahaa "in farxad ay ku noolaadaan weligood" ayaa waxaa ka hor yimid derbiyada adag ee xaqiiqada dhabta ah. Marar badan waxaan maqlay ereyada "Jaceylkeenii wuu dhamaaday, xiriirkeena wuu dhintay. Waxaan dareemi jirnay isku dhawaansho, laakiin hadda sidaas maahan xaalka. Ma jirto qof ku qanacsan la joogista midba midkeena kale. Ma daboolo midba midkeena kale baahidiisa.” Sheekooyinkaas waxay markhaati ka yihiin in dadka waaweyn sida carruurtu oo kale inay leeyihiin "haamo jacayl."

Miyay noqon kartaa in lamaanaha dhaawacan in gudahiisa ay ku jiraan "haan dareen jacayl" aan la arki karin oo cabbirkeedu madhan yahay? Ma laga yaabaa in dhaqan xumada, ka noq-noqoshada, erayada qallafsan, iyo dhaleecaynta badan ay ka imaadaan haanta madhan awgeed? Haddii aan heli karno qaab aan ku buuxinno, ma dhici kartaa in guurka dib uu usoo noolaado? haamaha buuxa ee lammaanuhu ma awoodaan in ay abuuraan jawi dareen ah oo ay suurtagal tahay in laga wada hadlo khilaafaadka iyo xalintiisa? Ma laga yaabaa in taangigaasi uu noqdo furaha ka dhigaya guurka mid shaqeeynaya?

Su’aalahaasi waxay ii i mariyeen safar dheer. Intii aan jidka ku jiray, waxa aan ogaaday fikradaha fudud haddana xoog leh kuwaas oo ku jira buuggan. Socdaalku wuxuu ii waday ilaa soddon sano oo aan talo guur ah oo waxaan dib u daalacday quluubta iyo maskaxda boqolaal lammaane oo Ameerikaan ah. Laga soo bilaabo Seattle ilaa Miami, lammaanayaasha ayaa igu martiqaaday qolalka hoose ee guurkooda, si furan ayaan u wada hadlaynay. fikradaha ku jira buugan waxaa laga soo maanguuriyay nolosha dhabta ah. Kaliya magacyada iyo meelaha ayaa la beddelay si loo ilaaliyo macluumaadka shaqsiyaadka sida xorta ah uga hadlay.

Waxaan ku qanacsanahay in ilaalinta haanta dareenka jacaylka buuxa ay muhiim u tahay guurka sida ilaalinta heerka ooliyada saxda ah ugu tahay baabuurka. Ku dhaqaajinta guurkaaga "haan jacayl" oo faaruq ah ayaa laga yaabaa inay ka qaali badato xitaa in ka badan inaad isku daydo inaad baabuurkaaga ku kaqxeyso ooliyo la'aan. Waxa aad akhrin raqbto waxay leedahay awoodda badbaadinta kumanaan guur ah, waxayna xitaa kor u qaadi kartaa jawiga dareen ee guurka wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee tayada guurkaada hadda, had iyo jeer way ka sii fiicnaan kartaa.

DIGNIIN: Fahamka shanta luuqadood ee jacaylka iyo inaad barato inaad ku hadasho luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaaskaaga waxay si weyn u saamayn kartaa dhaqankiisa. Dadku si kala duwan ayay u dhaqmaan marka taangiyada jacaylka dareen ay u buuxaan.

Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta aynaan eegin shanta luqadood ee jacaylka, waa in aan ka hadalno qodob kale oo muhiim ah laakiin ka wareer badan: waayo-aragnimada farxad waalan ee marka uu"kugu dhaco jacaylka."


 
 
 

Recent Posts

See All
LOVE MAKES THE DIFFERENCE

Jacaylku kaligiis maaha baahideena dareen. Dhakhaatiirta cilminafsiyeedka waxay ogaadeen in baahiyaheena aasaasiga ah ay ka mid yihiin...

 
 
 
FALLING IN LOVE

Waxay isa soo taagtay xafiiskayga iyadoon ballan u qornayn Waxayna xoghayahayga weydiisatay inay shan daqiiqo i arki karto iyo in kale....

 
 
 

1 Comment


calixasani065
Feb 22

Buuga stephen covey


Like

JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page