FALLING IN LOVE
- TOP TEN
- Mar 16, 2023
- 14 min read
Waxay isa soo taagtay xafiiskayga iyadoon ballan u qornayn Waxayna xoghayahayga weydiisatay inay shan daqiiqo i arki karto iyo in kale. Waxaan garanayay Janice siddeed iyo toban sano. Waxay ahayd soddon iyo lix sano jir, weligeedna maysan guursan. Waxa ay la haasaawday dhawr nin sannadahaas, mid lix sannadood, mid kalena saddex sannadood, iyo dhawr kale oo muddo gaa-gaaban ay la socotay, Waqti ka waqti, way ii iman jirtay si ay iigala hadasho dhibaato gaar ah oo ka heysata mid ka mid ah xiriiradeeda.
Dabci ahaan waxay ahayd qof edeb leh, damiir leh, islu-habaysan, fikir badan, oo daryeel aan ku aqaano. Waxay ahayd gabi ahaanba wax dabeecadeeda ka baxsan inay timaado xafiiskayga iyadoon ogeysiis iyo ballan iska soo hormarin.
Waxaan is idhi, Waa hubaal waxaa jirto dhibaato aad u xun oo Janice ay u imanatay ballan la'aan. Waxa aan u sheegay xoghayahayga in aan soo fasaxo, waxaanan si buuxda u filayey in aan arko iyada oo ilmaynaysa oo ay ii sheegi doonto sheeko naxdin leh isla marka ay albaabka kasoo gasho. Taa beddelkeeda, waxay si badheedh ah ugu soo booday xafiiskayga, iyadoo ay farxadi ka muuqato.
"Sidee tahay maanta, Janice?" ayaan weydiiyey.
"fiican!" ayay tidhi. "Weligay nolosheyda kama fiicnaanin sidan. waan guursanayaa!”
"Ma adigaa guursanaya?" ayaan ku idhi, anigoo muujinaya naxdintayda. "Yaad guursanaysaa waana goorma?"
"waxaan guursanayaa David Gallespie," ayay ku dhawaaqday, "bisha Sebtembar."
“Taasi waa war xiiso leh. intee in le'eg ayaad haasaawe ku wada socoteen?
“Saddex toddobaad. Waan ogahay inay waali tahay, Dr. Chapman, ka dib dhammaan inta qof aan soo shukaansaday iyo tirada inta jeer ee aan ku dhawaaday inaan guursado. Anigu xataa ma rumaysan karo nafsad ahaantayda, laakiin waxaan ogahay in David uu aniga ii yahay kii la iigu talagalay. Laga soo bilaabo maalinkii ugu horeysay, labadeenuba waa ogaanay. Dabcan, kamaanan hadlin arrinta arooska habeenkii ugu horreysay, laakiin toddobaad ka dib, wuxuu i weydiistay inaan is-guursano. Waan ogaa inuu i waydiin doono su'aashaas, waanan ogaa inaan haa odhan doono. Waligey sidan oo kale uma dareemin dareenkan oo kale, Dr. Chapman. Waad og tahay xiriiraddii aan soo maray sannadahaan iyo halgankii aan ka soo maray. Xiriir kasta, wax sax ah ilama ahayn. Weligay nabad iyo daganaan kuma dareemin inaan guursado midkoodna, laakiin waxaan ogahay in David uu yahay kan saxda ah.
Waqtigaas xaadirka ah, Janice waxa ay hore iyo gadaal u ruxaysay kursigeeda, iyada oo qoslaya oo leh, “Waan ogahay in ay waali tahay, laakiin aad ayaan u faraxsanahay. Weligay sidan uma farxin noloshayda.”
Maxaa ku dhacay Janice? Waxaa ku dhacay jacayl. Maskaxdeeda marka loo eego, David waa ninka ugu cajaa'ib badan ee ay abid la kulantay. Isagu dhan walba wuu ka qumman yahay. Wuxuu noqon doonaa nin ku habboon. Habeen iyo maalin ayay ka fikirtaa isaga. Xaqiiqooyinka ah in David uu hore u soo guursaday laba jeer oo hore, oo uu leeyahay saddex carruur ah, oo uu ka soo shaqeeyay saddex shaqo sannadkii la soo dhaafay waa wax aan muhiimad u laheyn Janice. Way faraxsan tahay, waxayna ku qanacsan tahay inay weligeed ku faraxsanaan doonto David. Waa jacayl waxa ku dhacay.
In badan oo naga mid ah waxay guurka ku galaan hab ah waayo-aragnimada "jacaylka". Waxaan la kulannaa qof sifooyinkiisa jireed iyo dabeecadihiisa shaqsiyadeed ay abuuraan shoog koronto oo ku filan inay kiciyaan nidaamyadeena "u feejignaanta jacaylka". Gambaleelada ayaa dhawaaqa, waxaana bilownaa hab aan rabno inaan ku barano qofka. Talaabada ugu horeysa waxay noqon kartaa inaan isla soo cunno hamburger ama hilibka lo'da, iyadoo ku xiran miisaaniyadeena, laakiin xiisaha dhabta ah maaha cuntada. Waxaan ku jirnaa baadi goob aan kusoo ogaanayno jacayl. "Dareenkan diirran, ee xiiqsan ee aan gudaha ka dareemayno, talow ma noqon karaa 'kii dhabta ahaa'?"
Mararka qaarkood waxaa kulanka ugu horreya ku dhama dareenkii xiisaha laha. Waxaan ogaanaa in dareenku uu digniin been ah uu ahaa, oo markaas xiisihii uu ka baxaa dhinacuu naga soo galay dhinaciisa kale; Waxaan rabnaa inaan hamburgers dambe la qaadanin iyada. Waqtiyada kale, Xiisaha ayaa ka xoog bata hamburger-ka marka loo eego markii hore. Waxaan qabanqaabinnaa hawlo aan si "wadajir ah" usoo qaban karno, muddo dheer kama soo wareegto ilaa aan dhahno, "Waxaan u maleynayaa inaan jacayl kuu qaaday." Ugu dambeyntii waxaan ku qanacsan nahay in uu yahay "kii dhabta ahaa," waxaana u sheegnaa qofka kale, anagoo rajaynayna in dareenka uu yahay mid aan wadaagno. Haddii aysan taasi sidaa ahaynna, arrimuhu xoogaa way qaboobaan ama waxaynu laba jibaarnaa dadaalkayaga si aan u soo jiidano qofkaas, oo ugu dambeyntii ku guuleysanno jacaylka, qofka nagu qaaliga ah. Marka uu noqdo xiisaha dareen mid aan isla wadaagno, waxaan bilaawnaa inaan ka hadalno guurka sababtoo ah dadka way isku raacsan yihiin in "jacaylka" uu yahay aasaaska lagama maarmaanka u ah guurka wanaagsan.
Riyooyinkeena guurka ka hor waa inaan farxad ka heli doono guurka…. Way adag tahay inaad suuraysato si kale markaa uu jacayl ku haayo.
Meesha ugu sarrayso ee ka gaarno, waayo-aragnimadaas ugu horeyso ee "jacaylka" waa farxad aan la soo koobi karin. Waxaan isugu waalan nahay dareen ahaan. Waanu seexannaa inagoo iska fikireyna. Marka aynu so kacno qofkaasi waa fikirka ugu horreeya ee maskaxdeena ku soo dhaca. Waxaan jecelnahay inaan wada joogno. In aan wada qaadanno wakhtiga waxay la mid tahay ku ciyaarista qolalka sare ee jannada. Markaan gacmaha is qabsano waxaad mooddaa in dhiigayagu hal meel kasoo qulqulayo. Waan is dhunkan karnaa waligeen, haddii aanan u baahnayn inaan aadno dugsi ama shaqo. Isku duubnideenu waxay kicisaa riyooyinkeena guurka iyo farxadda.
Qofka "jaceylka hayo" waxaa haya dhalanteed ah in gacaliyahiisa uu qumman yahay. Hooyadii way arki kartaa ceebaha laakiin asaga ma awoodo inuu arko. Hooyadii ayaa ku dhahaysa, "Wiilkaygi, ma ogtahay in ay ku jirtay isbitaalka dhimirka muddo shan sano ah?" Laakiin asaga waxa uu ku jawaabayaa, “Alla, hooyo, aan kaa nasto. Saddex bilood ayay hadda banaanka ka joogtaa.” Saaxiibadiis sidoo kale way arki karaan ceebaha laakiin uma badna inay u sheegaan ilaa inuu weydiisto mooyaane, macquulna maaha sababtoo ah maankiisa markii loo fiiriyo iyadu way u qumman tahay oo waxa ay dadka kale ka maleysanayaan isaga macno uma laha.
Riyooyinkeena inta aan guursan ka hor waa inaan farxad ka helno guurkeena: "Waxaan dooneynaa inaan midba midka kale uu ku farxiyo. Lammaanayaasha kale ayaa laga yaabaa inay murmaan oo is dagaalaan, laakiin annaga sidaa ma nihin. oo Waan is jecelnahay.” Dabcan, ma nihin dad aan xaqiiqda guurka la soconin. Waan ognahay si caqli leh haddii loo fiiriyo in aan aakhirka kala fikir duwanaan doono. Laakiin waxaan hubnaa in aan si furan uga doodi doono khilaafaadkaas; mid naga mid ah ayaa mar walba diyaar u ah inuu sameeyo tanaasul, waxaana gaari doonaa heshiis. Way adag tahay inaad rumaysato si kale markuu jacayl ku haayo.
Waxaa naloo sheegay in haddii uu jacayl dhab ah yahay, uu weligiis jiri doono. oo uu had iyo jeer jiri doono dareenka jaceyl ee cajiibka ah ee aan hadda ku jirno. oo waxba nasoo dhex geli karayn. oo uusan jirin wax ka adkaan doona jacaylka aan isku qabno. Waxa aan la dhacsan nahay oo aan ku qabsanay quruxda iyo soo jiidashada shakhsiyadda qofka kale. Jacaylka naga dhaxeeya waa waxa ugu yaabka badan ee aan waligeen soo marno. Waxaan naga dhaadhacsan in qaar ka mid ah lammaanayaasha isqaba ay u muuqdaan kuwa lumiyey dareenkaas, balse middaas anaga naguma dhici doonto. "Waxaa laga yaabaa inaysan haysan jaceylka dhabta ah," ayaan isku sasababnaa.
Nasiib darro, daa'imnimada waaya-aragnimada "jacaylkaas" waa mid khiyaali ah, maaha xaqiiqo. Dr. Dorothy Tennov, oo ah dhakhtarad cilmi-nafsi, ayaa sameeyay daraasado dhaadheer oo ku saabsan marxaladaas uu maro jacaylka. Kadib markii ay daraaseysay tiro dhowr lamaane ah, waxay ku soo gabagabeysay diraasadeeda in celceliska cimriga uu leeyahay dareenkaas jaceyl uu yahay laba sano. Haddii ay tahay arrin jacayl oo qarsoodi ah, waxa laga yaabaa inay sii jirto wax yar. Ugu dambayntii, si kastoo ay ahaataba, dhammaanteen waxaan ka soo degnaa daruuraha oo aan cagaha soo dhignaa dhulka mar kale. Indhahayagu way furmeen, oo waxaan aragnaa qaladaadkii qofka kale. Waxaan aqoonsannahay in qaar ka mid ah dabeecadihiisa shaqsiyadeed ay dhab ahaantii xanaaqiyo qalaf-sanaan ku jiraan. Hab-dhaqankeeda waa wax laga xumaado. oo waxa ay awood u leedahay inay na xumeyso oo ay naga cadhaysiiso, laga yaabee xitaa erayo qallafsan iyo xukunno dhaleeceyn ah inay noogu darto.
Tilmaamahaas yar-yar ee aynu iska indho-tiraynay markii aynu is-jeclaannaynay waxay hadda noqdeen buuro waaweyn. Waxaan xasuusannahay erayadii Hooyadeen, waxaana is weydiineynaa, Sidee baan sidaas oo dhan nacas ugu aheyn?
Ku soo dhawaada nolosha dhabta ah ee guurka, taas oo ay timuhu had iyo jeer waaskada saaran yihiin, miyaaradana marwalba ay dhibco cad-cad ay leedahay, halkaas oo ay dooddu ka taagan tahay qaabka ama meesha warqadda "tiishka" musqusha laga isticmaalayo, iyo dooda ah in uu daboolku fadhiga musqusha uu faydnaado ama uu daboolnaado. Waa duni aanay kabaha lagu xareen karin qaanadooda, oo aanay jaakaduhu jeclayn in katabaankooda la suro, sikisaamahana la waayo marka la gaaro waqtiga dhar-dhaqowga. Adduunyadan, eegmo ayaa dhaawac gaysata, ereyguna wuxuu geystaa qalbi jab. Dadkii is jeclaa waxay isku noqon karaan cadow, guurkuna waa goob dagaal.
Maxaa ku dhacay waayo-aragnimadii "jacayl"? Hoogay, waxay ahayd dhalanteed la innagu khiyaaneeyay in magacyadeenna aan ku saxeexno xariiqa dhibcaha leh korkiisa, anagoo qirayna inaan isla joogi doona xumaan iyo samaanba. La yaab ma leh, in badan oo dadkaas ka mid ah ayaa habaaraan guurka iyo lammaanaha ay hore u jeclaayeen. Midda kale, haddii nala khiyaanay, waxaan xaq u leenahay inaan xanaaqno. Horta Jaceylkaas na haayay ma ahaa "jacaylka dhabta ah"? Sidaas ayaan u maleynayaa. Dhibaatadu waxay ahayd xogta khaldan.
Xogta khaldan waxay ahayd fikradda ah in "jacaylkan" waalida ahu in uu weligiis jiri doono. Waxay ahayd inaan si fiican isaga ogaanno. waxay ahayd inaan baaritaan ku sameyno oo aan ogaano in haddii dadku ay waalidaas isku sii jeclaadaan, in dhammaanteen aan geli lahayn dhibaato weyn. dhibaatada ka dhalatana laga dareemi karo ganacsiyada, warshadaha, kaniisadaha, waxbarashada, iyo bulshada inteeda kale. Waa maxay sababtu? Sababtu waxay tahay in dadka "jaceylka ku dhaca" ay lumiyaan xiisaha ay u qabeen waxyaabaha kale. Taasi waa sababta aan ugu yeerno "jaceyl waali."
Ardayga kuliyada dhigta ee ku dhaca jacayl ayaa arkaya darajooyinkiisa oo hoos u socda. Way adag tahay inaad wax barato markaad jacayl ku jirto. Berrito waxaad leedahay imtixaan ku saabsan Dagaalkii 1812, laakiin yaa daneynaya Dagaalkii 1812? Markaad jacayl ku jirto, wax kasta oo kale waxay u muuqdaan kuwo aan ku khusayn. Nin baa igu yidhi, “Dr. Chapman, shaqadaydu way burburaysaa.”
"Maxaad uga jeeddaa?" ayaan weydiiyey.
"Waxaan la kulmay gabadhan, waan jeclaaday, waxna ma qaban karo. oo maskaxdayda kuma soo jeedin karo shaqadayda. Waxaan ku qaataa maalinta oo dhan inaan ku riyoodo iyada.”
raynraynta xaaladdan "jacayl" waxay ina siinaysaa dhalanteedka ah in aanu leenahay xidhiidh qoto-dheer. Waxaan dareensanahay in midkeen midka kale uu ku tiirsan yahay. Waxaan aaminsanahay inaan ka adkaan karno dhammaan dhibaatooyinka na soo wajihi doono. Waxaan dareensanahay in aan isku kalsoonnahay. Sida mid ka mid ah dhalinyarada uu ka yiri gabadhii uu guursan rabay, “Maka fikiri karo inaan sameeyn karo wax waxyeello u geysan kara iyada. Waxa kaliya ee aan rabo waa inaan ka farxiyo iyada. Waxaan samayn doonaa wax kasta oo aan kaga farxiyo iyada”, waalidan oo kale ah waxay ina siinaysaa dareenka been abuurka ah ee in dabeecadeena anaani-nimo la ciribtiray oo waxaan isku maleynaa Mother Teresa, oo diyaar u ah inay bixiso wax kasta oo faa'iido u leh jacaylka. Sababta aan sidaas u samaynayno, annagoo qasbanayn waa in aan si dhab ah u aaminsanahay in gacaliyeheennu ama gacalisadeenu uu dareemayo si la mid ah sida aan annaga dareemayno. Waxaan aaminsanahay inay ka go'an tahay inay daboosho baahiyaheena, inuu noo jecel yahay sida aan isaga u jecelnahay oo uusan waligiis sameyn doonin wax uu nagu dhaawacayo.
Fikirkaasi had iyo jeer waa mid khiyaali ku dhisan. Ma aha mid aynu daacad ka nahay waxa aynu u malaynayno iyo waxa aynu dareemayno, laakiin waxa aynu nahay kuwo aan xaqiiqada usoo jeedin. Waxaan ku guuldareysanay inaan ku xisaabtano xaqiiqada ah dabeecadda aadanaha. Dabeecad ahaan, waxaan nahay anaaniyiin, Dunidu inaga ayay nagu wareegsan tahay, Midkeen saas uma aha deeqs, kaliya raynrayntii waayo-aragnimada "jacaylka" ayaa ina siinaysaa dhalanteedkaas.
Marka waayo-aragnimada jacaylka uu soo dhameysto koorsadiisa socod ee dabiiciga ah (xusuusnow, celceliska khibradda jacaylku waxay socotaa laba sano), waxaan ku laaban doonaa adduunka dhabta ah oo waxaan bilaabi doonaa inaan nafteena u shaqeyno, Isagu wuxuu u sheegi doonaa rabitaankiisa, balse rabitaankiisu wuu ka duwanaan doonaa teeda. Wuxu ka rabaa galmo, balse aad bay u daalan tahay. Wuxuu rabaa inuu iibsado baabuur cusub, laakiin waxay ku dhahaysaa, "Taasi waa wax aan macquul ahayn!" Waxay rabtaa inay soo booqato waalidkeed, laakiin wuxuu odhanayaa, "Ma jecli inaan wakhti badan la qaato qoyskaaga." Waxa uu doonayaa in uu soo ciyaaro tartan kubbadda softball-ka, oo waxay ku tidhaahdaa, "Waxaad iga jeceshahay kubbaddan." Waxoogaa yar ka dibna, dhalanteedkii isu-soo-dhawaanshaha wuu uumi-baxaa, markaasna rabitaankii shaqsiga, shucuurtii qarsanayd, fikradahii lakala qabay, iyo hab-dhaqankii lakala qarsanayay ayaa iskood isu soo saara, dadkii isku duubnaa hadda waa laba shaqsi. Maskaxdoodu ma wada milmisana, dareenkooduna waxa uu ku dhex milmay oo kaliya badweynta jacaylka. Hadda mawjadaha xaqiiqadu waxay bilaabaan inay kala soocaan iyaga. Jaceylkii banaanka ayay ka istaagayaan, markaasay ama kala tagaan, is-faarujiyaan, is-furaan, oo ay ukala dhaqaaqaan raadinta waayo-aragnimo cusub oo jacayl, ama waxay bilaabaan shaqo adag oo ah inay bartaan jacaylka midba midka kale iyada oo aan lagu qaldamaynin farxadda iyo waalidii hore ee uu watay dareenka hore ee jacayl.
Cilmi-baarayaasha qaarkood, oo ay ka mid yihiin dhakhtarka dhimirka M. Scott Peck iyo dhakhtarka cilmi-nafsiga Dorothy Tennov, ayaa soo ku soo gabagabeeyay daraasadooda in waayo-aragnimada jacaylka aan loogu yeerin "jacayl" gabi ahaanba.
Dr. Tennov ayaa ereyga limerance u soo saartay waayo-aragnimada jacaylka si ay khibraddaas uga soocdo waxa ay u aragto jacaylka dhabta ah. Dr. Peck waxa ay ku nuux-nuuxsaday in qibrada jacaylku aanu ahayn jacayl dhab ah saddex sababood dartood.
Marka hore, jacaylku ma aha fal rabitaan ama doorasho aan miyir u leenahay. Si kasta oo aan u rabno in aan jacayl qaadno, ma samayn karno taas. Dhanka kale, waxa laga yaabaa in aynaan raadinaynin waayo-aragnimada jaceyl marka ay ina soo gaadhayso. Badanaa, waxaynu jacayl ku qaadnaa waqtiyo aan munaasib ahayn iyo dad aan naga suurtoobin inaan jeclaano.
Marka labaad, ku dhicitaanka jacaylka ma aha jacayl dhab ah sababtoo ah waa dadaal la'aan. Wax kasta oo aan u samayno jaceyl waxay u baahan yihiin is-edbin yar ama dadaal miyir leh oo dhankeena ka yimaada. Taleefoonnada waqtiga dheer ee qaaliga ah ee aan ku wada hadalno, lacagta aan ku bixinno safarka si aan isu aragno, hadiyadaha aan isku bixinno, mashaariicda shaqo ee aan qabanno waa wax aan innaga wax nala ahayn. Sida dabeecadda dabiiciga ah ee shimbirku si uu u dhiso buul, sidaas oo kale dabeecadda dareenka ee waayo-aragnimada jacaylka ayaa nagu riixaysa in uu u sameeyo waxyaabo aan caadi ahayn midkeenba midka kale.
Seddexaad, qofka "jacaylku ku dhacay" si dhab ah uma xiisaynayo kobcinta ama kobaca shakhsi ahaaneed ee qofka kale. "Haddii aan ba niyadda ku hayno ujeedo, marka uu jacayl nagu dhacayo, waa in aan ka taqalusno kalinimadeena oo laga yaabo in aan natiijadan ku xaqiijinno guurka." Waayo-aragnimada jacaylku diiradda ma saarto koriinkeena ama koritaanka iyo horumarka qofka kale. Laakiin, waxay ina siinaysaa dareenka ah inaan gaadhnay meeshii aan u baahnayn oo aanan u baahnayn koboc kale. Waxaan joognaa halka ugu sareysay farxadda nolosha, rabitaankeena kaliya ayaa ah inaan halkaas iska sii joogno. Hubaal gacaliyahayaheena uma baahna inuu koro ama kobco sababtoo ah wuxuu joogaa meeshii loogu talagalay. Waxaan klaiya rajaynaynaa inay saan sii ahaato.
Haddii waaya-aragnimadaas jaceyl uusan ahayn jacayl dhab ah, waa maxay? Dr. Peck wuxuu ku soo gabagabeeyay daraasadiisa "inay tahay qayb dareen ah oo hore loo go'aamiyey oo ka mid ah habdhaqanka ay lammaanayaasha iskula qabsadaan bilowga. Si kale haddii loo dhigo, ka tanaasulka ama ku xad-gudubka loo geesanayo xuduudihii isla-weynida ama kibirka shaqsiyaadeed ee kumeel-gaarka ah, waaya-aragnimadaas jacayl darteed, ayaa ah jawaab-celin maskaxeed oo bini'aadamka ka soo fusha si la isugu habeeyo dhaqdhaqaaqyada galmada ee gudaha iyo dareenka galmada ee dibadda, taas oo u adeegta si loo kordhiyo suurtogalnimada in la isku doorto in la noqdo lamaanayaal iyo isku-xidhka si kor loogu qaado badbaadada bini-aadanimadda.”
Haddii aan ku raacsanahay gabagabadaas iyo haddii kaleba, kuwa naga mid ah oo uu ku dhacay jacayl, kana baxay ayay u badan tahay inay isku raacaan in waayo-aragnimadu ay nagu kiciso qulqul shucuureed si ka duwan wax kasta oo aan ebed la kulannay. Waxay u waaya-aragnimadaas jaceyl meesha ka saartaa awooddeena caqli-galnimada, waxaana inta badan aynu is aragnaa inaan samaynayno oo aan sheegayno waxyaabo aynaan waligeen samayn lahayn waqtiyo aan miyir-qabno. Run ahaantii, marka aynu ka soo dhaadhacno xamaasadda shucuureed waxa aynu in badan la yaabanaa sababta aan arrimahaas u samaynay. Marka mawjaddaha shucuureed ay kala dagaan oo aynu u soo noqonno dunida dhabta ah ee khilaafkeennu iftiimo, meeqa ayaa is-weydiiyey, “Maxaan isku guursanay? Waxba kuma heshiinee”, Halka, marka aan joognay heerka ugu sarreeyay jacaylkaas, aan u maleynaynay inaan ku heshiinnay wax walba - ugu yaraan wax kasta oo muhiim ah".
jacaylka maangalka ah ee ikhtiyaariga ah… waa nooca jacayl ee ay xikmaddu weligeed-ba nagu hagto.
Taas macneheedu ma waxay ka dhigan nahay in khiyaanada nalogu khiyaanay jacaylka dhalanteedka ah, inaan hadda waxa ina hor yaalla ay tahay kaliya laba arrimood oo kala ah: (1) in aynu la noolaanno xaaskayaga nolol murugo leh, ama (2) waa in aynu ka boodnaa markabka oo aynu marlabaad dib isugu soo daynaa. mar kale? Jiilkeenu wuxuu doortay khiyaarka labaad, halka jiilkii hore ay inta badan doorteen kan hore. Kahor inta aynaan si toos ah u soo gabagabeyn in aan qaadanay doorashada ugu wanaagsan, aan baarno xogta iyo macluumaadka. Hadda 40 boqolkiiba guurka ugu horreeya ee dalkan wuxuu ku dhammaadaa furiin. Boqolkiiba lixdan guurka labaad iyo 75 boqolkiiba guurka saddexaad waxay ku dhammaanayaan si la mid ah. Sida muuqata rajada guur farxadda leh mar labaad iyo mar saddexaad maaha mid la suuraysan karo.
Cilmi-baaristu waxay u muuqataa inay muujinayso in uu jiro dooq saddexaad oo ka wanaagsan oo ah: inaan u aqoonsano waayo-aragnimadii jacayl inuu ahaa - dareen ku-meel-gaadhka ah - balse hadda aan hadda raadino "jaceyl dhab ah" oo aan u qaadno xaaskayaga. Jaceylka noocaan ah waa mid caadifad ahaan u dhisan balse aan ahayn mid waali ah. Waa jacayl caqliga iyo dareenkaba ay ku mideysan yihiin. Waxaa ku lug leh rabitaan sidoo kalena is-edbin, waxuuna aqoonsan yahay jacaylkaas baahida loo qabo koritaanka shakhsi ahaaneed. Baahideena shucuureed ee aasaasiga ah maaha inuu jacayl naguu dhaco ee waa in si dhab ah uu noo jeclaado qof kale, si aan u ogaano jacaylka ku dhisan caqli-galnimo iyo doorasho, oo aan ahayn dareen. Waxaan u baahanahay inuu i jeclaado qof doortay inuu i jeclaado, oo igu arka qiimo la igu jeclaado.
Jacaylka noocaas ah wuxuu u baahan yahay dadaal iyo edaab. Waa doorashada inaad tamar ku bixiso dadaalka aad qofka kale uga faa'iidaysanayso, adigoo og in haddii noloshiisa ama keeda ay ku hodmaan dadaalkaaga, adiguna inaad heli doontaa dareen qanacsanaan ah, ku qanacsanaan ah inaad si dhab ah u jeceshahay qof kale. Uma baahna farxadda waayo-aragnimada "jacaylka". Dhab ahaantii, jacaylka dhabta ahi ma bilaabmi karo ilaa waayo-aragnimada "jacaylka" ay dhamaysto waqtigeeda.
Ma ku qaadan karno ammaan iyo bilad waxyaalaha deeqsinimada leh ee aan sameyno inta aan ku jirno saameynta "jaceylka waalida." Waxaa na riixaya oo na qalqaalinaya xoog maskaxeed oo ka baxsan hab-dhaqankeenna caadiga ah. Laakiin haddii, mar aan ku soo laabanno adduunka dhabta ah ee doorashada aadanaha, oo aan doorano inaan noqonno qof naxariis iyo deeqsinimo leh, taasi ayaa ah jacayl dhab ah.
Baahida dareen ee jacaylka waa in la daboolaa haddii la rabo in la helo dareen caafimaad leh. Dadka waaweyn ee guurarka ku jira waxay aad u tabaan inay kalgacal iyo jacayl ka dareemaan xaasaskooda. Waxay dareemaan ammaan marka ay hubaan in lammaanahoodu aqbalsan yahay, rabo/rabto, oo ay ka go'an tahay samahooda. Intii lagu jiray marxaladda jacaylka, waxaan dareennaa dhammaan dareemadaas. Waxay ahayd janno inta aan ku jirnay marxaladaas. Qaladkayagu waxa uu ahaa in aan ku fikirno in ay marxaladaas weligeed jiri doonto.
Laakin waalidaas jaceyl looguma talagalin inay waligeed sii jirto. marka loo fiiriyo buuga guurka, kaliya waa hordhaca. wadnaha buugga guurka waa jacayl maangal, oo ikhtiyaari ah. Taasi waa jacaylkii ay dadka xikmada badan weligood noogu yeedhi jireen. Waa jaceyl lagu dhaqaaqay fulintiisa.
Taasi waa war u wanaagsan lamaanaha isqaba ee soo gudbay marxalladdii waaya aragnimada "jacaylka". Haddii jacaylku yahay doorasho, markaa waxay leeyihiin awood ay qofka ku jeclaadaan ka dib markii "waalidii jacayl" ay dhimatay oo ay ku soo noqdeen adduunka dhabta ah. Jaceylka noocaan ah wuxuu ku bilaabmaa dabeecad — hab fikir. Jacaylku waa dabeecadda odhanaysa, "Waan ku guursaday, oo waxaan doortay inaan dantaada ilaaliyo." Markaa qofka doorta inuu jeclaado wuxuu heli doonaa habab ku habboon oo uu ku muujiyo go'aankaas.
"Laakiin waxay u muuqataa mid aan nadiif ahayn," qaar ayaa laga yaabaa inay ku doodaan. "Jaceyl ah dabeecad ay la socoto dhaqamo ku habboon aa? Aaway xiddigaha quruxda badnaa, buufinadii farxada, dareemihii qotoda dheeraa? aaway ruuxihii is doortay, il jabiskii, dhunkashadii korontada camal ahayd, xamaasaddii ay lahayd galmada? Aaway niyad dhiskii la isku ogaysiin jiray inaan ahay qofka koowaad ee maskaxdiisa/maskaxdeeda?" Taasi waa waxa uu buuggani ku saabsan yahay. Sidee buu u buuxin karaa midba midkeena kale baahiyaha daree ee qotoda dheer, si uu u dareemo in la jecel yahay? Haddii aan taas baran karno oo aan dooran karno inaan samayno, markaas jacaylka aan wadaagno wuxuu noqon doonaa mid xiiso leh oo ka sarreeya wax kasta oo aan waligeen dareemnay markii uu jaceylka nagu dhacayay.
Sannado badan, ayaan kaga hadlay shanta luqadood ee jacaylka siminaaradayda guurka iyo sidoo kale fadhiyada latalinta gaarka ah. Kumanaan lamaane ah ayaa markhaati ka ah sax ahaanshaha waxa aad akhrin doonto. Galalkayga waxaa ka buuxa waraaqo ay ii soo qoreen dad aanan weligey la kulmin, oo ay ku leeyihiin, “Saaxiib ayaa ii soo amaahiyay mid ka mid ah cajaladahaaga oo ka hadlaya luqadaha jacaylka, waxuuna wax ka bedalay guurkeena. Waxaan halgan ku jirnay sanado badan oo aan isku dayeynay inaan jaceyl isku muujino, laakiin dadaalkeena ayaa midba midka kale seegay dareen ahaan. Hadda oo uu midwalba ku hadlayo luqadaha jacaylka ee ku habboon midka kale, jawiga dareen ee guurkeena ayaa si weyn u soo hagaagay."
Marka haanta jacayl ee xaaskaaga uu buuxo oo uu ku dareemo badbaado jacayl, adduunka oo dhan ayaa ugu muuqanayo mid dhalaalaya oo xaaskaaga ayaa u dhaqaaqi doona si ay u gaadho awoodiisa/awoodeeda ugu sareysa ee nolosha. Laakiin marka haanta jacaylku ay faaruq tahay oo uu dareemo in la isticmaalay balse aan la jeclayn, dunida oo dhami waxay u ekaanaysaa mugdi, waxaanay u badan tahay in aanu waligii dunidan ka gaadhi doonin wax wanaag ah. Shanta cutub ee soo socota, waxaan ku sharixi doonaa shanta luuqadood ee jacaylka, ka dibna, cutubka 9, waxaan ku tusi doonaa sida ogaanshaha luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaaskaaga ay ka dhigi karto dadaalkaaga jacayl mid waxtar leh.
Comments