Xeerarka Jaceylka 1:01 Ha U badalin Shakhsiyadaada Qof Kale
- TOP TEN
- Jun 15, 2022
- 2 min read

Miyayna wanaagsanayn inaad shakhsiyad cusub isku yeesho marka aad la kulanto qof Cusub? Miyayna roonayn inaad daboosho waxwalba oo aad isleedahay waa ay ka qaldan tahay shakhsiyadaada? Miyayna wanaagsanayn inaad xirato dharka shakhsiyadeed ee ugu quruxda badan? Adigoo isku ekeysiinaya qofka ay raadinayaan, adiga oo jilaya doorka lamaanaha ay doon-doonayaan? Ugu yaraan, waad iska dhigtay qof xoogan, aan hadal badnayn, balse markuu hadlaayo ama marka ay hadlayso hadal anfacaad leh ku hadlaayo, ama qofka ka dhoola cadeysiinaya, ama waxaad sameysay inaad joojiso inaad hadalo aan loo baahnayn ku hadasho, ama aad kaftan qaldan waqti aan loo baahnayn ku dhawaaqdo.
Runtii, way adag tahay, mana awoodi karaysid, waa laga yaabaa inaad maarayso maalin ilaa usbuuc, balse way adkaanaysaa inaad joogtayso intaa kadib, iskaba daa, hadduu xiriirka sii socdo, suurayso, adigoo wajigaas kula dhaqmaayo, qof laga yaabo inaad 50 sano nolosha isku ag qaadataan, waaba hadaad u maleynayso inuu qofkaan yahay qofkii aad nolosha wadaagi lahaydeen, bal suurayso, 50 sano oo aad qofkaan la noolaanayso oo aad marwalba iska ilaalinayso inaad hortiisa hadal xun aad ku ceebowdo kaa soo baxo, waa nolol jaxiima ah, noloshaas.
Sida aan sheegayo, maaha inaad waxa ceeb aad leedahay, maalmaha ugu horeeyo banaanka soo dhigto, oo aad si ula kac ah daaha ooga qaado, waana mid ay gabdhaha badankood u badan yihiin, sidaas oo kale maahan inaad wax walba oo aad ku fiican tahay aad ku faanto ama aad hadalka ka bilawdo iyadoo hadalka dhinacaas uusan u soconin, ama aad tilmaamayaal fiican oo soo jiidasho leh aad ku soo xero-geliso qof kale, tanina waa mid ay ragga u badan yihiine, kaliya waxa aan dhahayo waa, inaad qofka aad isleedahay waad ka heshay, ha ahaado qof aad dabeecadaada dhabta ah, aad kula dhaqmi karto, marka aad ag joogto, ama aad la sheekaysanayso, waa intaas, wixii kale waa wax hoos yimaada.
Dhinaca kale, hadii aan u dhigno, waad sameyn kartaa, inaad wanaajiso, qofnimadaada, iyo habdhaqankaaga, oo aad isku taxalujiso, inaad ka roonaato, qofkaada shalay ahayd, balse inaad shakhsiyadaada dhan badasho, oo aad sameyso shakhsiyad cusub, oo aan sal iyo raad ku laheen shakhsiyadaadii hore, waxay noqon doontaa mid kuu shaqeyn weyso, ugu danbeyntii.
Sida daraadeeda, waa inaad shakhsiyadaada u badalin qof kale, dabeecadaada caadiga usoo bandhig qofka kale, hadee qoran tahay, xiriirkaas asigaa is wadaayo, haddii aadan ahayn, qofka uu raadinooyo, ama qofka ay raadinoyso, ugu yaraan, waxay dhamaanee, adigoo kharash badan kaa galin, xataa waxaa laga yaabaa, Inaysan rabin qofka aad u sawirayso inaa tahay, waxaa laga yaabaa, inaysan rabin, qofka hadal walba oo uu dhahaayo ay u egtahay inay tahay hadal laga soo fikiray, yaa jecel inuu la sheekaysto qof hadalkiisa saxan yahay maalinka oo dhan, waxaa laga yaabaa, inuu qofka kale jecelyahay shakhsiyada aad ka cararayso, waa laga yaabaa.
Ma ogtahay horta? Haddii aad iska dhigto qof aanad eheyn, qofkaas aad qiyaamayso, adiga matihid qofka uu la joogo ama waqtiga la qaadanaayo, sidee arrinkaas adiga kuu caawinayaa? Ka fakir arrintaan? Haddii aad hore u sii eegto, waxaa jira qof, raba ama raadinaya, qof shakhsiyadaada oo kale leh, raba meel walba aad ku fiican tahay, raba meel walba aad ku xun tahay, xataa meelaha aad u xun tahay ma u arkayaan inay tahay meelo cilad aad ka leedahay, waxay u arkayaan inay tahay shakhsiyadaada qeyb ka mid ah.
Comments