Markaad ku jirto Xiriir Jaceyl, Ma waxaa tahay Qaate “Taker”, Bixiye “Giver” ama Barbareeye"matcher"
- TOP TEN
- May 20, 2022
- 4 min read

Waa su'aal xiiso leh oo aan tixraacayo xiriirka jacaylka iyo runta fudud ee aan aaminsanahay: Xiriir kasta oo jaceyl ah, dadka waxay u kala baxaan saddex qaybood – qaate “taker” iyo bixiye “giver” iyo sidoo kale saan-saan ku gude “matcher”.
Lammaanuhu waxay ka koobnaan karaan hal bixiye iyo hal qaate ah, laba bixiye, ama laba qaate. Dhaqdhaqaaqyadani waxay asal ahaan aasaas u yihiin xiriirka, iyadoo xidid u ah tayada guud ee xiriirka.
Lisa Kaplin, Psy.D, oo ah cilmi baarre xirfad u leh xiriirada ayaan ka soo qaatay waraaqad ay ka qortay mawduucaan, iyadoo tiri "Bixiyaha xiriirka waa qof si dhab ah uga fikira waxa qofka kale doonayo iyo waxa uu u baahan yahay, Bixiyuhu wuxuu ku fikiraa, 'Sideen uga dhigi karaa nolosha lammaanahayga mid ka fiican sida ay tahay?”.
Bixiyaha waxa kale oo laga yaabaa in uu akhriyo ama akhriso buug uu akhriyey xaaskiisa ama xaaskeeda, si ay fursad ugu helaan inay yeeshaan dood cilmiyeysan oo fursad u siinaysa inay waqti fiican ku qaataan wax nafci u leh labadooda.
Dhanka kale, qofka qaataha ah, waa qof marwalba tiisa ku mashquulsan oo is-weydiiya, ‘Maxaa ii dan ah? maxaan rabaa?
"qaataha wuxuu noqon karaa mid tiisa uun wax u qabsada," ayay tiri Kaplin. "Qofka qaataha ah maahan qof xun, tani waa sida ay u barteen inay ku soo noolaadaan. Waxa laga yaabaa in qofka qaataha uusan lahayn is-wacyigelin, ama uusan isla-soconin”.
Haddaba, maxaa dhacaya marka qofka bixiyaha ah uu ku soo aado qof qaate ah? Sida laga soo xigtay Kaplin, bixiyaha ayaa awood u siin kara qaataha inuu iska qaato marwalba.
"Bixiyuhu wuxuu u oggolaanaya qaataha inuu noqdo wax-qaate, oo waxba ma weydiisto, sidaas darteed qaataha ayaa sii wadaya qaadashada," ayay tiri. "Waxa inta badan dhaca ayaa ah in bixiyaha oo gubto oo uu dareemo in xiriirku yahay mid hal dhinac ah. Waxaan taas wax badan ka maqlaa dadka go'aansada inay is furan ama kala tagaan."
Kaplin waxay tiri marar badan, qaataha ma garto ama maka qabo wax fikrad ah in bixiyaha uusan ku faraxsanayn sidaan. Haddaba, waa tan taladeeda oo ku socotay bixiyaha:
- Muraayadda isku eeg. Isweydii sababta aad ugu caawisay lamanaahaaga in uu noqdo qaate. Sidoo kale, mar walba ma waxaad soo jiidataa dadka qaatayaasha ah? Ma dareentaa inaadan u qalmin inaad la joogto qof sidaada oo kale bixiye kale?
- La hadal qaataha. Dheh, "saan sax maaha." Jooji ciyaartaan aad marwalba dhibbanaha iska dhigayso, sheego waxa aad rabto ka dibna I waydiiso waxyaabo gaar ah.
- Is weydii sababta aad wax u bixiso. dad badan oo ka mid ah wax bixiyayaasha ayaa rajo ka qaba inay heli doonaan wax u qalma waxa ay bixiyaan, iyagoo badalkeeda qofka kale wax weydiisan. Ma jiro qof uur ku baalle ah ama ogaan kara waxa aad rabto adigoo aan hadlin. Weydiiso waxaad rabto, laakiin si naxariis leh u weydii lamaanahaaga.
Haddii aad u malaynayso inaad tahay qaate, Kaplin waxay bixisay taladan: "Bilow inaad lamaanahaaga waydiiso baahiyihiisa ama baahiyaheeda, la hadal in badan, oo dhab ahaantii si fiican u dhegayso. Waxaad la yaabi doontaa waxa xitaa tilmaamo yar oo wax-bixin ah ay u samayn karaan caafimaadka xidhiidhka idinka dhaxeeya”.
“Anigu shakhsi ahaan waxaan xiriir la lahaa qaate, waxaana dhihi karaa, uma fiicna kalsoonidaada shaqsiyadeed inaad xiriir la yeelato shaqsiyaadkaas. Qaatuhu wuxuu kaa dhigi karaa inaad dareento qiimo la’aan, ixtiraam la'aan, qof aan muhiim ahayn, iyo xataa qof aan la jeclayn. Qaatuhu waxa uu kugu sabibi karaa in aad wax siiso, siiso, oo aad aakhirka lumiso aragtiyadaada baahiyahaaga iyo farxaddaada. Qaatuhu waxa uu noqon karaa mid dhuuqa tamartaada kaas oo kaa dhuuqa ilaa aad dareento inaysan jirin wax haray oo aad bixiso. Waxaad dareemi kartaa daal”.
Dhinaca kale waxaa jira bixiyaha. Kuwa qaaliga ah, macaan, naxariista leh, bixintooda la jecel yahay. daacada ah, wax ku siiya oo ku dareensiiya taageeradooda, jeceelkooda, iyo qadarinta ay kuu hayaan. Bixiyaha ayaa kaa yaqaan gudaha iyo dibadda. Kor iyo hoos, Bixiyaha waxuu bixiyaa shuruud la'aan wuxuuna ka bixiyaa qalbiga. Bixiyaha ayaa kor kuu qaadaya oo kaa dhigaya inaad noqoto qofka ugu fiican ee aad noqon karto, bixiyaha ayaa doonaya inaad dib u bixiso, adigoo dib ugu celinaya bixiyaha iyo adduunkaba.
Waxaan isku arkaa nafteyda inaan ahay bixiye, daacadiina, la joogitaanka bixiya kale mararka qaarkood waxaa dareemi kartaa dhibaato sida aan is leeyahay, sababtoo ah labada qofood oo isla ah bixiye-yaal ayaa keeni karta inay tartan ku jiraan, tartankaas oo dabiici ah. Taas markaan ka soo tagno, waa dhibaato wanaagsan inay ku haysato. Labada qof oo wada qaatayaal ah, dhanka kale, waxay inta badan isku horseedaan farxad la'aan, nolol kala duwan ama furiin, sida uu qabo Kaplin. Waxay sheegtay in cilaaqaadka caafimaadka qaba ay yihiin kuwa ay labada lamaane wax bixiyaan oo ay kala qaataan.
"Miyaanay fiicnayn in la bixiyo oo la qaato labadaba? Isku darka ayaa caafimaad qab ah”, ayay tiri. "Dhammaan waxay ku soo biyo shubanaysaa isku dheelitirnaanta."
Haddii aan labadooda ka soo tagno waxaa jiro shaqsiyad kale oo ka dad badan labadaas shaqsiyadood, taasoo ah inay saantana saan ku gudaan, silicana silac ku gudaan ama “matcher” oo ah sida aad iila dhaqantid ayaan kuula dhaqmaa.
Hadii aan soo koobno, bixiyayaasha oo ah kuwa ugu jacaylka badan uguna soo jiidashada badan saddexda nooc, maadaama ay dadkani yihiin kuwo naxariis badan, naf-hurnimo badan, jacayl badan, oo taageero xiriirka. Sifada ay dadku aad ugu qiimeeyaan lammaanahooda jacayl (ragga iyo dumarkaba) labadaba waa naxariis, Bixiyeyaasha sidoo kale waxay u muuqdaan inay noqdaan kuwo kalgacal leh, dabeecad si xooggan u saameeysa cimriga xiriirka.
Dabcan, bixiyaha sidoo kale waxaa uu leeyahay cilladahiisa. Dhiirigelinta ugu xooggan ee bixiyaha waa inuu daryeelo qofka kale iyo inay noloshooda ku biiriyaan waxyaabo wanaagsan. Sidaa darteed, naf-u-huridda noocan oo kale ah waxay keeni kartaa in bixiyeyaasha ay qaataan eedda waxyaalaha ay sameeyaan ama xitaa u maleynayaan inay yihiin kuwo aan la jeclayn ama aananba u qalmin sababtoo ah waxay isula muuqdaan inay qaateen ama dusha saarteen mas'uuliyadda xiriirka.
Hadaba is tijaabi adigoo galaya link-ga hoose oo ogow ma waxaad tahay Bixiye ama Qaate?
留言