top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

Noloshu maaha Marwalba caddaalad, haddaba waa maxay khurshahaaga?

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • May 20, 2022
  • 3 min read

Haa, Noloshu maaha caddaalad. Weligeed may ahayn, weligeedna ma noqon doonto, hadaadan sugaynin in caddaalad ay noqoto, haddaba waa maxay khurshahaaga?

Is weydii su'aashan, haddii ay cadaalad ahaan lahayd halkan miyaad joogi lahayd? Haa, halkan ma joogi lahayd?

Maxay noloshu kuugu noqonaysaa cadaalad? Xaqiiqda ah inaad buugaan akhrinayso, waxay la macno tahay inaad haysato cunto aad cunto, guri aad hoyoto, dhar aad xirato, heer waxbarasho oo kuu sahashay inaad buugaan akhriso, taas oo qiyaas ahaan la macno ah inaad xoogaa ka sare marayso dadka adduunka qaarkood oo leh hal fikir – waa inaa helaa cunto aan ku badbaado maanta.

Dad badan ayaa ka cawda sida ay noloshu cadaalad darro u tahay iyo sida ay wax walba u xumaadeen noloshaan. Laakin heey, noloshu waa sidii looga baahnaa, waa in aad qaadataa oo aanad u arkin sida doolsho aad had iyo jeer heli karto.

Noloshu waa cadaalad darro

Waxaan ku dhibtoonaa inaan fahanno fikradda ah in noloshu laga rabay inay noqoto mid aan xanuun lahayn oo ay arrimuhu si habsami ah u socdaan. Hadday noloshu sidaas u fududahay, dhammaanteen weli waxaynu ku noolaan laheen godad oo weli waxaynu isticmaali lahayn dhagaxyo si aannu dabka u shidinno ama waxaynu xidhan lahayn hargaha xoolaha sida dhar.

Maka sugaysid in noloshu ay kuula dhaqanto si cadaalad ah sababtoo ah waxaad tahay qof wanaagsan ama waxaad u shaqeyso si adag, ogow noloshu waxay leedahay xeerar u gaar ah, way adagtahay oo maaha mid ula dhaqanta qof walba si isku mid ah.

Noloshan ayaa ah mid cadaalad aan ahayn oo noloshan waxaa la ina keenay annagoon raalli ka ahayn, sidoo kalena waxaan dhimanaynaa annaga oo aan geerida raali ku ahayn.

Noloshu waa isku dhafka xaalado badan oo caddibaad ah iyo xaalado jahawareer ah oo xataa ku qasbi kara qofka isagoo miyir la' inuu tirtiro dhammaan munaasabadihii farxadda lahaa ee ay so noolaadeen. Daqiiqad kasta oo nolosha ku jirta waa xidhmo kaa yaabinaysa oo aan la saadaalin karin, qaar wanaagsan iyo qaar aad u adagba.

Ku dhawaad ​​waddan kasta, dhismaha garsoorka, maxkamadaha adduunka oo dhan, waxaad arki kartaa taallada cadaalada oo indhaha ka xidhan marka ay sharciga ku miisaamayso miisaankeeda dhexdhexaadinta ah.

Qof kasta oo halkan joogaa waa dhibanaha cadaalad darro nololeed. Waxaan isweydiiyaa mararka qaarkood sababta ay wax ugu dhaceen dadka qaar oo waxaan jeclaan lahaa in aan awoodo hal amar aan amro oo aan uga qaadi karo dhibkooda, Laakiin runtu waxay tahay, aniga xataa waxaan ahay dhibane.

Weligaa ma is weydiisay sababta ay dadku u dhibaataysan yihiin? Maxay dadka fiican qaarkood u dhintaan iyagoo da’ yar? Maxay dadka wanaagsan wax xun ugu dhacaan? Maxay dadku kuu niyad jabiyaan? Waa maxay sababta aadan u heli karin shaqo fiican / booska aad rabto? Waa maxay sababta aad u qabto jirradaas halista ah?

Haddii aad hal mar isku daydo oo aad ku guul dareysato markaas waxaad ogaan doontaa in noloshu ay tahay caddaalad darro. Noloshu looguma talagalin dadka isku daya hal mar ka dibna quusta balse taa badalkeeda, waxaa guuleysta dadka leh go’aanka iyo maskaxda adag ee isku dayaya ilaa ay ka helayaan waxa ay rabaan.

Ogoow,waa labo mid, inaad tamartaada iyo waqtigaada ku dhumiso inaad falanqayso sida ay nolosha cadaalad daro u tahay adigoo soo qaadanaya tusaalooyin iyo calaamado badan, balse marka aad go’aansato inaad daashay, ogow ma jiro qof sida ay tahay ka badali kara, balse waxaan kuula talin lahaa inaad ogaato in nolosha ay hormar lahayn haddii aysan cadaalad u sameynin qof walba oo adduunka ku nool.

Haye e maxaa samayn karnaa?

noloshu maaha mid cadaalad ah macnaheedu maaha inaad quusto oo aad raadinin sababta. Noloshu waa tartan waxbarasho oo aan dhammaanayn. Marka ay wax xun kugu dhacaan waxaa laga yaabaa inaysan ahayn wax xun oo kaliya inay kugu dhacaan. Waxay noqon kartaa fursad aad ku barato wax cusub – wax naftaada ku saabsan, wax ku tusaya sida ay dunidu u shaqeyso, dadka kugu xeeran oo kuu horseedi kara heer cusub.

Nolosha mararka qaarkood cadaalad darro waxay u tahay inay naga fogaaayso booskaan raaxada leh aan la qabsanay, waxay naga hor keentaa waxyaabo xun-xun, waxayna kuu diyaarisaa dagaal aan la arki karin sababtoo ah arrimuhu mar walba kuma socon doonaan sida aan rabno.

Isla marka aad bilowdo inaad ka fikirto sababta ay noloshu kuugu adag tahay, waa marka aad bilawdo inaad naftaada caddaalad darro kula kacdo. Aqbal xaqiiqda ah in aanad mar walba faraxsanayn, guulaysanaynin, ama aanad caafimaad qabaynin. Mid kasta oo kuwaan ka mid ah ayaa awood cusub kuu yeeli kara balse waa markaad ka gudubto.


Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page