MAXAA KU DHACA JACAYLKA AROOSKA KA DIB?
- TOP TEN
- Mar 10, 2023
- 8 min read
Anagoo diyaarad ku mareyna, meel u dhaxaysa Buffalo iyo Dallas, ayuu joornaalkii uu aqrisanayay gashaday jeebka fadhiga diyaarada, markaas ayuu usoo jileecay jihadeyda, oo uu i weydiiyey, "Shaqo noocee ah ayaad qabataa?"
“Waxaan sameeyaa la-talin guur, waxaana qabta siminaaro ku saabsan kobcinta guurka,” waxaan ugu jawaabay si dhab ah.
"Waxaan doonayay inaan qof weydiiyo su'aashaan muddo dheer,” ayuu yidhi. "Maxaa ku dhaca jacaylka ka dib markaad guursato?”
Anigoo ka tanaasulaya rajadii aan ka qabay inaan wax yar hurdo, ayaan waydiiyay, "Maxaad ula jeeddaa?"
"Hagaag," ayuu yidhi, "Waxaan guursaday saddex jeer, mar kasta, inta aanan is guursan wax walba waxay ahaayeen wax cajaa'ib ah oo qurux badan, laakiin si kastaba ha ahaatee arooska ka dib waa la kala dhacaayay. Dhammaan jacaylka aan u qabay iyada iyo jacaylka u muuqday inay ii qabtay waxay u uumi baxayeen. Waxaan ahay qof caqli badan. Waxaan leeyahay ganacsi guuleystay, laakiin arrintaas ma fahmin. "
"Intee in le'eg ayaad guurka ku raagaysay?" ayaan weydiiyey.
"guurkii ugu horeeyay wuxuu gaaray ilaa toban sano. kan labaad, Waxaan gabadha is qabnay saddex sano, kii ugu dambeeyayna, lix sano ku dhawaad".
"Jaceylkaagu ma waxa uu lumay isla markiiba arooska ka dib, mise waxay ahayd lumis tartiib-tartiib ah?" ayaan weydiiyey.
"Horta, kii labaad wuxuu qaldamay bilowgiiba. Ma garanayo waxa dhacay. Runtii waxaan moodayay inaan is jecelnahay, laakiin todabada waxay ahayd masiibo, wixii ka danbeeyayna kamaanan soo kaban. Lix bilood oo keliya ayaanu haasaawe uwada soconnay. Wuxuu ahaa
jaceyl dabayl ah. Runtii wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan! Laakiin guurka kadib, wuxuu ahaa dagaal bilowgii".
“guurkaygii ugu horreeyay, waxaan heysanay seddex ama afar sano oo wanaagsan
ka hor inta uusan ilmuhu dhalan. wixii ka dambeeyay dhalashadii ilmaha, waxaan dareemay sida inay siisay dareenkeeda ilmaha, anigana aan macno beelay, Waxa ay u ekayd in halka hadaf oo ay nolosheeda ka lahayd uu ahaa in ay ilmo dhasho, ilmaha ka dibna, aysan ii baahneen.
"Ma u sheegtay sidaas?" ayaan weydiiyey.
"Aah, haa, waan u sheegay iyada. Waxay igu tidhi waad waalatay. Waxay tidhi ma fahmeysid culayska ay leedahay ilmo korinta afar iyo labaatanka saacadood, Waxay tidhi waa inaad i fahantaa oo aad isku daydaa inaad i caawisaa aniga in ka badan. Runtii waan isku dayay, laakiin uma muuqan inay wax samayn ah ama kala duwanaansho soo wado. Intaa ka dib, waan sii kala fogaanay. ma jirin jacayl nagu kala hadhay, Labadeenaba waxaan isku raacnay in guurku dhamaaday".
“Guurkeygii ugu dambeeyayna? Runtii waxaan moodayay in midkan uu noqon doono
mid ka duwan. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay guurkaygii labaad. waxaan haasaawaynay labadeena laba sano. Runtii waxaan mooday inaan la socono waxa aan sameynayno, waxaanan u maleeyay markii ugu horeysay inaan garanayo waxa loola jeedo in si dhab ah qof loo jeclaado. waxaan dareemay
in ay si daacad ah ii jeclayd".
"Arooska ka dib, uma maleynayo inaan isbedelay. Waan sii waday
inaan jacaylkaan u qabay u muujiyo sidii aan sameyn jiray guurka ka hor. Waxaan u sheegi jiray in ay qurux badan tahay. Waxaan u sheeg jiray sida aan u jeclahay iyada. Waxaan u sheegi jiray iyada sida aan ugu han weynaa in aan ninkeeda noqdo. Laakiin dhowr bilood
guur ka dib, waxay bilowday inay cabato; cabasho ku saabsan waxyaabaha yaryar sida inaanan qashinka soo saarin ama aan surin dharkayga. Ka dib, waxay bilowday inay weerarto shakhsiyadeeda, iyada oo ii sheegaysa inay dareemayso in ay i aamini karin, iyada oo igu eedaysay inaan qiyaamayo. Waxay noqotay qof waxwalba dhinaca xun ka fiirisa. Guurka ka hor, weligeed dhinaca xun maynan ka eegi jirin waxyaabaha. Waxay ahayd mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan ee aan abid la kulmay. Taasi waa mid ka mid waxyaabihii iga soo jiitay iyada. Marnaba wax kama aysan cabanin. Wax kasta oo aan sameeyay waxay ahaayeen wax cajiib ah,
laakiin markii aan is guursanay, waxay u muuqatay inaan waxba sixi karin. Run ahaantii ma garanayo waxa dhacay. Ugu dambayntii, waan waayay jacaylkii aan u qabay oo waxaan bilaabay in aan ku cadhoodo. Waxaa cadayd inay jacayl ii qabin. Waxaan ku heshiinnay inaysan jirin wax faa'iido ah oo ka imaanaysa inaan nolosheenna ku qaadano si wadajir ah, waana kala tagnay".
“Taasi waxay ahayd sanad ka hor. Haddaba su'aashaydu waa Maxaa ku dhaca jacaylka arooska ka dib? Ma waayo-aragnimadayda tan dadka ka duwan? Ma taasi baa sababta uu furiinka ugu badan yahay dalka? Ma rumaysan karo inay igu dhacday sidaasi saddex jeer.
hadaba dadka aan isfurin, miyay la qabsadaan inay la noolaadaan
faaruqnimadaas, ama jacaylku run ahaan ayuu usii jiraa guurarka qaar? Hadday jawaabtu haa tahay, sidee ku dhacdaa?
Su'aalaha saaxiibkay fadhiyey 5A uu iweydiinayey waa su'aalo ay kumannaan qof oo is qaba iyo kuwo isfuray ay maanta is weydiinayaan. Qaar waxay weydiinayaan asxaabtooda, qaarna waxay waydiiyaan la-taliyayaasha guurka iyo culimo, qaarna way isweydiiyaan naftooda. Mararka qaarkood jawaabaha waxaa lagu raadiyaa baadhis cilmi-nafsi, kuwaas oo aan la fahmi karin. Mararka qaarkood waxaa looga jawaabaa si kaftan ah iyo sheeko-sheeko. Inta badan kaftanka iyo odhaahyada macaani waxaa ku jira qaar run ah, laakiin waxay la mid yihiin sida qof qaba kansar oo la siinayo aspirin.
Rabitaanka inaan jacayl ku dhex helno guurkeenaa waa arrin qoto dheer oo ku qotomta qaab dhismeedka nafsiyadeena. Ku dhawaad joornaal kasta oo caan ah wuxuu leeyahay ugu yaraan hal maqaal oo ku saabsan ilaalinta jacaylka nololeed ee guurka. Buugaag badan ayaa ka qoran mawduuca, Barnaamijyada TV-ga iyo raadiyayaasha ayaa wax ka taa-taabta. Ilaalinta jacaylka nololeed ee guurka waa ganacsi halis ah.
Iyada jiraan dhammaan buugaagtaas, joornaaladaas, iyo caawimaadaas la taaban karo ee la heli karo, maxaa sababay in lamaanayaal aad u tiro yar ay u muuqdaan inay heleen sirta jacaylka nolosha ka diambeysa arooska? Maxaa sababa in lammaanuhu ay ka qaybgelaan siminaaro aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan isgaarsiinta loo baahan yahay inay dhex marto lamaanayaasha, oo ay markaas maqlaan fikrado cajiib ah oo ku saabsan sida kor loogu qaado isgaarsiinta labadooda ka dhaxeysa, hadana ku soo noqodaan gurigooda, oo ayu dhacdaa inay isku arkaan in ay gabi ahaanba awoodi waayaan in ay hirgeliyaan qaababkii isgaarsiineed ee lagu muujinayay siminaarka? Sidee ku dhacdaa inaan akhrino maqaal joornaal ah oo ku saabsan “101 siyaabood oo jacayl loogu muujiyo Xaaskaaga,” anagoo dooranayno laba ama saddex siyaabood oo u muuqda inay na cajabiyeen, u tijaabinaa labadaas siyaabood, iyadoo xaaskayaga xataa garawsan dadaalkayaga? oo aan uga quusanaa 98ka dariiqooyin ee kale oo dhiman, anagoo nolosheena ugu noqona sida inaysan wax dhicin.
Waa inaan diyaar u noqonaa inaan barano luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaasaskeena, haddii aan doonayno inuu noqdo xiriirkeena jaceyl mid waxtar leh.
Jawaabta su'aalahaas waa ujeeddada buuggan. Ma aha in buugaagta iyo maqaallada hore loo daabacay aanay waxtar lahayn. Dhibaatadu waxay tahay in aan iska indho-tirno hal xaqiiqo oo aasaasi ah: Dadku waxay ku hadlaan luqado jacayl oo kala duwan.
Dhinaca luuqadaha, waxaa jira dhoor luqadood oo waaweyn: Jabbaaniis, Shiinees, Isbaanish, Ingiriis, Boortaqiis, Giriig, Jarmal, Faransiis, iwm. Inteena badan waxaynu ku kornaa barashada luuqada waalidiinteena iyo walaalaheen, taasoo noqonaysa afkeena koowaad ama afkeena-hooyo. Ka dib, waxa laga yaabaa inaan baranno luuqado dheeraad ah laakiin badanaa dadaal badan ka dib.
Kuwani waxay noqdaan afafkeenna kale. Waxaan ku hadalnaa oo aan si fiican u fahannaa afkeena hooyo. Waxaan aad ugu faraxnaa ku hadalka luqadaas. Hadba inta aan isticmaalno luqadda labaad, ayaan ku dareennaa in aan si fudud ugu sheekaysano. Haddaynu ku hadalno afkeenna asaasiga ah oo aynu la kulanno qof kale oo ku hadla afkiisa aasaasiga ah oo keliya, kaas oo ka duwan keena, isgaadhsiintu way xaddidmaysaa. Waxay noqonaysaa inaan ku tiirsanaano tilmaanta, gunuunaca, sawirida, ama jilno fikradahayaga. Waan la xiriiri karnaa, laakiin waa mid adag. Kala duwanaanta afku waa qayb ka mid ah dhaqanka aadanaha. Haddii aan doonayno in aan si hufan ugu wada xiriirno dhanka dhaqanka, waa in aan baranaa luqadda kuwa aan rabno in aan la xiriirayno.
Dhinaca jacaylka, waa la mid. Luqada jacaylkaaga dareen iyo luqadda xaaskaaga ayaa laga yaabaa inay u kala duwanaadaan sida luuqadaha Shiineesa iyo Ingiriisiga. Si kasta oo aad isugu daydo inaad jacayl ku muujiso Ingiriis, haddii xaaskaagu ay fahamsan tahay Shiinaha oo keliya, weligiin ma fahmi doontaan si aad isku jeclaataan. Saaxiibkay oo diyaaradda saarnaa waxa uu afadiisa saddexaad kula hadlayay luqadda “Ereyada Jaceylka” markii uu yidhi, “Waxaan u sheegi jiray sida ay u qurux badan tahay. Waxaan u sheegi jiray inaan jeclahay iyada. Waxaan u sheegi jiray sida aan ugu han weynaa inaan ninkeeda noqdo. Wuxuu ku hadlayay jacayl, oo daacad buu ahaa, laakiin afkiisa ma aysan fahmaynin. Malaha waxay jacaylka uu u qabo ka raadinaysay hab-dhaqankiisa oo aanay arkin. Daacadnimo maysan ku filnayn. Waa inaan diyaar u noqonaa inaan barano luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaasaskeena, haddii aan doonayno inuu noqdo xiriirkeena jaceyl mid waxtar leh.
Waxa aan ku soo gabagabaynayo ayaa ah, ka dib soddon sano oo aan bixinayay talooyin guurka ku saabsan, in ay jiraan asal ahaan shan luqadood oo jacaylka lagu cabiro - shan siyaabood oo dadku ku hadlaan oo ay ku fahmaan jacaylka dareenkiisa, Dhanka culuumta luqadaha waxaa laga yaabaa in luqaddu leedahay lahjado badan. Sidoo kale, shanta af ee aasaasiga ah ee jacaylka, waxaa jira lahjado badan. Taasi waxay u dhigantaa maqaallada majaladaha cinwaankoodu yahay "10 siyaabood oo aad ku ogeysiin karto xaaskaaga inaad jeceshahay," "20 siyaabood oo aad ninkaaga guriga ugu ilaalishan karto," ama "365 siyaabood oo loo muujiyo jacaylka dantiisa guurka tahay." Ma jiraan 10, 20, ama 365 luqadood oo jacaylka ah. Fikradayda haddaan ka hadlo, waxaa jira shan luqadood oo kaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiri kara lahjado badan. inta qaab ee lagu muujin karo jacaylka iyadoo lagu hadlayo hal ka mid ah luqadaha jacaylka waxaa xaddidi kara oo kara hal-abuurka qofka. Muhiimadu waa inaad ku hadasho luqadda jacaylka ee xaaskaaga.
Waxaan muddo dheer la soconaa in korriinka carruurnimada hore ee ilmo kasta uu yeesho qaabab dareen oo gaar u ah. Carruurta qaarkood, tusaale ahaan, waxay noqdaan kuwa aan isku-kalsoonayn, halka kuwa kalena ay noqdaan kuwa ku kalsoon nafsadooda.
Qaarkood waxay yeeshaan qaabab dareen oo ammaan darro ah halka kuwa kalena ay ku koraan iyagoo dareemaya ammaan. Carruurta qaarkood waxay koraan iyagoo dareemaya in la jecel yahay, la rabo, lana qaddarinayo, halka qaar kalena ay ku koraan iyagoo dareemaya inaan la jeclayn, aan la rabin, ama aan la mahadinin.
Carruurta dareema in waalidkood iyo facooda ay jecel yihiin waxay ku kobcaan luqad dareen jacayl oo aasaasi ah oo ku salaysan qaabkooda nafsiga ah ee gaarka u ah iyo sida waalidkood iyo dadka kale ee u muhiimka ah ay jacaylka ugu muujiyeen iyaga. Waxay ku hadli doonaan oo fahmi doonaan hal luuqad oo jacayl ah. Waxa laga yaabaa in ay marka dambe bartaan luqad jacayl oo kale, laakiin had iyo jeer waxay raaxo ku dareemi doonaan luuqadooda jaceyl ee aasaasiga ah. Carruurta aan dareemin jacaylka waalidkood iyo facooda sidoo kale waxay yeelan doonaan luqad jacayl oo aasaasi u ah, Si kastaba ha ahaatee, waxa ay noqon doontaa xoogaa luuqad qalloocan oo kale si la mid ah sida ay u dhici karto in carruurta qaarkood ay bartaan naxwe liita ama ay leeyihiin eraybixin aan si fiican loo horumarin. luuqadan liidataa macnaheedu maaha in aanay ilmahan noqon karin dad ku wanaagsan ku hadalkeeda. Laakin waxa ay la macno tahay in ay u baahan yihiin dadaal badan marka loo eego ilmaha lahaa waalidiinta fiican, Sidoo kale, ubadka ku soo kora dareenka jacaylka ee aan kobcin waxay sidoo kale la iman karaan inay dareemaan jacayl iyo inay kula xiriiraan dadka kale jacayl, laakiin waa inay u shaqeeyaan si ka sii dadaal badan kuwa ku soo koray jawi caafimaad qaba oo jacayl leh.
Marar dhif ah ayay dhacdaa in ninka iyo naagtu ay yeeshaan luqad dareen jacayl oo isku mid ah. Waxaan u badannahay inaan ku hadalno luqadeena jacaylka ee aasaasiga noo ah, waxaanan ku wareernaa marka xaaskeena aanu fahmin waxa aan kula xiriireyno. Waxaan muujineynaa jacaylkeena, laakiin fariintu sidii loo baahnaa uma gudbayso sababtoo ah waxaan ula muuqanaa iyaga, sida inaan ku hadlayno luqad qalaad. Halkaa ayay ka jirtaa mushkiladda aasaasiga ah, waana ujeedada buuggan in la bixiyo xal. Taasi waa sababta aan ugu dhiiraday inaan buug kale ka qoro jacaylka. Marka aan ogaano shanta luuqadood ee jacaylka aasaasiga ah oo aan fahanno luqadeena jacaylka aasaasiga ah, iyo sidoo kale luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaaskayaga, waxaan markaa heli doonaa macluumaadka loo baahan yahay si aan ugu dabaqno fikradaha buugaagta iyo maqaallada.
Markaad aqoonsato oo aad barato inaad ku hadasho luqadda jacaylka aasaasiga ah ee xaaskaaga, waxaan aaminsanahay inaad daaha ka qaadi doonto furaha guur jacayl oo waara. Jacaylku uma baahna inuu uumi baxo arooska ka dib, laakiin si uu u sii noolaado badideenna waa inaan ku dadaalnaa inaan baranno luqad jacayl oo labaad. Ma isku hallayn karno afkeena hooyo ee jaceyl haddii xaaskeenu aanu fahmin. Haddii aan rabno in isaga/iyada ay dareemaan jacaylka aan isku dayeyno inaan la xiriirno, waa in aan ku muujinnaa luqadiisa jacaylka aasaasiga u ah.
Comments