top of page
  • Black Facebook Icon
  • Black YouTube Icon
  • Black Instagram Icon
  • Black Pinterest Icon

Xidigga reer Brazil Hulk oo guursaday gabar ee xaaskiisa habar-yar u tahay.

  • Writer: TOP TEN
    TOP TEN
  • Apr 21, 2022
  • 2 min read

Updated: May 1, 2022



ree

Ciyaaryahanka reer Brazil Hulk 'wuxuu guursaday gabar xaaskiisa hore ay habar-yar u tahay si lama filaan ah si ay u hesho fiisaha oo ay ula joogto Shiinaha.


ree

Xiddiga Brazil Hulk ayaa lagu soo waramayaa inuu guursaday gabar ay habar-yar u tahay xaaskiisii ​​hore ka dib markii ay labadoodu shaaciyeen xiriirkooda bishii December.

weeraryahankan ayaa soo afjaray xiriirkii 12-ka sano ahaa ee uu la lahaa Iran Angelo bishii Luulyo ee sannadkii hore, waxaana warbixinnada xiriirka uu la leeyahay gabadha ay habar-yarta u tahay ee Camila Angelo soo shaac baxeen dabayaaqadii sanadkii hore.

Weeraryahanka 33-jirka ah ayaa buuq badan ka dhaliyay baraha bulshada isaga iyo Camila, oo 31 jir ah, ka dib markii uu 'guursaday' ku qoray bartiisa bulshada.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Argentine ee Infobae, 'guurka degdega ah' ayaa dhacay sababtoo ah 'Camila waxay u baahan tahay fiisaha haddii ay la sii joogeyso Shiinaha Hulk'.

Lamaanahan ayaa dhowr sawir si wadajir ah u soo dhigay baraha bulshada halkaas oo ay ka muuqato in labadooduba ay xiran yihiin faraantiga arooska.

Weeraryahanku waxa uu leeyahay saddex carruur ah oo ay la dhashay xaaskiisii ​​hore oo lagu magacaabo Ian, Tiago, iyo Alice.


ree

Hulk iyo Camila ayaa lagu soo waramayaa inay hadda ku wada nool yihiin Shiinaha iyadoo weeraryahanka uu haatan u ciyaaro kooxda Shiinaha ee Shanghai SIPG FC.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ayaa ahaa mid ka mid ah xiddigihii ugu horeeyay ee ku biira horyaalka Chinese Super League sanadkii 2016.

Waxa uu kaga soo biiray kooxda ka dhisan Ruushka ee Zenit St Petersburg, waana kan labaad ee ugu dakhliga badan horyaalka oo dhan isagoo qandaraas ku qaata 320,000 oo bound todobaadkii.

Hulk ayaa sheegay asagoo ka hadlaayay xiriirkii kala dhaxeeyay xaaskiisii hore ee Iran oo ah 52 sano jir, inay sababta ay marka hore isku guursadeen ay ahayd inay uur u qaaday, asigoo ku sii daray inay ahayd qof fahansan baahiyihiisa shakhsiyadeed oo aysan sanadihii ay wada joogeen u ogoleyd inuu gabdho kale la socdo, balse ay qadarta noqotay inuu jeceel u qaaday gabadha ay habar-yarta u tahay ee camilla.

sawirkan hoose gabadha midigta kaa qabanaysa waa hadda Camilla, halka gabadha bidixda kaa qabanaysa ay tahay xaaskiisa hore Iran De'souza iyo xaaskiisa.


ree

Comments


JOIN MY MAILING LIST

Thanks for submitting!

© 2023 by Lovely Little Things. Proudly created with Wix.com

  • Instagram
  • YouTube
  • Facebook
  • Pinterest
bottom of page