Jaceyl Labo Garsoore (Refree) isku keenay ilaa Aroos. Ma maqashay Garsoore Howard Webb?
- TOP TEN
- Apr 23, 2022
- 2 min read

Garsoorihii hore ee finalka Koobka Adduunka Howard Webb ayaa daboolka ka qaaday xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo gabadha garsooraha kale ah ee Bibi Steinhaus wuxuuna sharaxay sida fursadooda casho ay isugu badashay inuu ka tago xaaskiisa si uu nolol cusub uga bilaabo Jarmalka.
Webb iyo Steinhaus waa laba ka mid ah garsoorayaasha ugu caansan kubbadda cagta adduunka, iyadoo biritish-kan dhexdhexaadiyay ku dhawaad 300 oo ciyaarood oo Premier League ah, halka Steinhaus ay iyaduna mas’uul ka ahayd finalkii Koobka Adduunka Haweenka ee 2011 iyo ciyaarihii Olombikada 2012.
Isma ay aqoon ilaa 2013 markii ay ku kulmeen siminaar ka dhacay Rome, waxayna ahayd 2015 markii Webb uu qaatay go'aanka inuu ku casuumo Steinhaus casho.
Isla maalintaas, Steinhaus waxa ay garsoore ka ahayd ciyaartii Bundesliga ee ragga, markaas oo ay kaarka cas siisay ciyaariyahanka kooxda Fortuna Dusseldorf Kerem Demirbay, waxa uu ka yiri: 'Haweenku boos kagama banaana kubbadda cagta ragga,' taasoo uu markii dambe ku helay ganaax shan kulan ah.
Fiidnimadaas waxa ay xambaarsanayd xasuus farxadeed, inkastoo ay labadoodu isku raaceen casho, Steinhaus-na waxa ay qiratay in Webb ka dib markii uu ka dhoofay madaarka, 'tani waxay ahayd markii aan ogaaday in dunidu ka duwan tahay dunidii hore'.
Wax yar ka dib, Webb wuxuu u sheegay xaaskiisa Kay iyo saddexdooda carruur ah inuu u guurayo Hannover si uu ula noolaado Steinhaus.
Guurkiisa asagoo ka hadlayo, wuxuu yiri: 'Xiriirkayagu wuu isbedelay, laakiin wali waan isku fiicanahay hadda, waana caadi xiriirkeena. Carruurtu way fiican yihiin. Laakin sida furiin kasta, waa waqti xanuun badan waqtigaas. [Xiriirka aan la leeyahay Steinhaus] uma soo bandhigin warbaahinta [hal sano], laakiin aniga iyo Bibi ma qarinaynin”.
Labadan lamaane ayaa sidoo kale labadooduba soo noqday saraagiil bilays ah, waxayna is guursadeen bishii March ee sanadkan, lix sano ka dib markii uu xidhiidhkoodu bilaabmay.
Xayiraadaha 'Covid 19' awgeed, lama ogolaan marti ama marqaati xafladda inay kasoo qeyb galaan laakiin ka dib Steinhaus ayaa u sheegtay TV-ga Jarmalka Sport 1: 'Aad ayaan u faraxsanahay.'
Waxay daaha uga qaaday wargeyska Bild bishii Abriil: “Waxaan is guursanay xilligii fasaxa caalamiga “International break” ah ee ugu dambeeyay, aad ayaan u faraxsanahay”.
"Nasiib darrose, xeerka Corona-ha awgeed, Howard iyo aniga waxaan kaliya u qaadi karnaa tallaabadan muhiimka ah si lamaane ah. Iyadoo xataa markhaati naloo ogeleyn”.
‘Dabcan sidoo kale ma jirin bil malab “todobada”.'
Comments