Buugga Cun Rakahaas (Eat That Frog) ee Brian Tracy o Kooban
- TOP TEN
- Jun 7, 2022
- 8 min read

Furaha guushu maaha inaad isku daydo inaad wax walba qabato, laakiin waa inaad si buuxda diiradda u saarto hawlaha kuugu muhiimsan, go'aanso ficil aad rabto inaad qabato, oo sida ugu wanaagsan u dhammaystir.
Fikrada cunista rakaha waxay ka timid Mark Twain, oo leh haddii aad ku bilaabi karto subaxdaada inaad cunto rah nool, waxaad la tacaashay waxa ugu xun ee kugu dhici kara maalintaas. marka wuxuu rakaha u soo qaatay qoraaga waa hawshaada ugu muhiimsan - waxa aad u badan tahay inaad dib u dhigto, haddana noloshaada isbedelka ugu weyn ku yeelan kara, waa kaas rakahaaga ugu weyn.
Si aad u samaysato caado kasta oo cusub (oo ay ku jirto caadada cunista rakaha), waxaad u baahan tahay 3Ds : "Decision" Go'aanso si aad u dhisto caadada dhamaystirka hawlaha, yeelo anshax "descipline" aad ku sii wado ku dhaqanka fikradaha buuggan, oo isku adkeey "determination" ku dhaqankooda ilaa caadooyinka ay noqdaan qayb muhiim ah oo ka mid ah qofnimadaada.
Buuga oo Saddex Qodob ah
- ‘Rahaaga’ waa hawshaada ugu weyn, uguna muhiimsan.
- 'Haddii ay ku hortaalo labo rah, ku hormar oo cun midka 'ugu fool xun'
- Haddii aadba go'aansato inaad cunto rah, dib ha u dhigin, oo haka caajisin.
Shanta Fikradood ee ugu waaweyn Buugga
1- "Furaha lagu gaaro heerar sare oo waxqabad iyo wax soo saar waa in la horumariyo caaddo nololeed oo ah inaad ku dhaqaaqdo hawshaada ugu weyn subax kasta."
2- "Ka fikir yoolalkaaga oo dib u eeg maalin kasta. Subax kasta marka aad bilaawayso, tallaabo ka qaad hawsha ugu muhiimsan ee aad qaban karto xilligaas, si aad u gaadho yoolkaaga ugu muhiimsan ”.
3- "Ku kor fikir warqadda korkeeda."
4- "Mar walba shaqo ka qabo liiska kuu qoran."
5- "Awoodda aad ku kala dooran karto yoolalka muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn waa midda ugu muhiimsan ee go'aamisa guushaada nololeed iyo shaqadaada."
- "Si joogto ah u xasuusi naftaada in mid ka mid ah go'aamada ugu muhiimsan ee aad gaarto maalin kasta ay tahay waxa aad isla markaasba sameyn rabto iyo waxa aad gadaal u dhigayso hadhow waa haddii aadba sameyso."
"Xeerka labaad ee cunista rahha waa kan: Haddii ay tahayba inaad cunto rah nool, makaa bixineyso inaad u fadhiisato oo aad eegto muddo dheer."
Qoraaga waxaa uu soo jiidanayaa talooyin la fulin karo, oo aad isla markiiba dabaqi karto. Isticmaal talooyinka oo qaad tallaabo isla markaasba, maadaama ay taasi tahay habka kaliya ee lagu heli karo natiijo wax ku ool ah. Waxaan hadda si faahfaahsan u soo koobi doonaa cutubyada. 1. Miiska soo saaro waxa aad rabto
"Ku kor fikir warqad korkeeda."
"Mid ka mid ah isticmaalka ugu xun ee waqtiga ayaa ah in la sameeyo wax aad u wanaagsan oo aan loo baahnayn in la sameeyo."
"Ka fikir yoolalkaaga oo dib u eeg maalin kasta. Subax kasta marka aad bilowdo, qaado tallaabo hawsha ugu muhiimsan ee aad qaban karto si aad u gaadho yoolkaaga ugu muhiimsan xilligan”.
2. Hore U Sii Qorshayso Maalin kasta
"Mar walba shaqo ka qabo liiska kuu qoran."
"Liiskaaga samee habeenka ka horreeya maalinta shaqada ee soo socota."
"Waxaad u baahan tahay liisyo kala duwan oo ku kala socda ujeedooyin kala duwan."
"Marka koowaad, waa inaad sameysaa liis Guud oo aad ku qorto wax kasta oo aad ka fikiri karto oo aad rabto inaad sameyso mar uun mustaqbalka."
"Marka labaad, waa inaad haysataa liis bille ah oo aad sameyso dhammaadka bil kasta kaas oo aad ku qorsheynayso bishaada soo socoto oo dhan."
"Marka saddexaad, waa inaad haysataa liis toddobaadle ah oo aad sameyso dhammaadka usbuuc kasta kaas oo aad ku qorsheynayso usbuucaaga soo socda oo dhan."
"Ugu dambeyntii, waa inaad ku soo wareejisaa qorshayaashaas ku jira liiskaaga billaha iyo toddobaadlaha ah liiskaaga maalinlaha ah."
3. Ku dabaq Xeerka 80/20 wax kasta
Kahor intaadan shaqo bilaabin, had iyo jeer is-weydii, 'Hawshaan ma waxay ku jirtaa hawlahayga boqolkiiba 20-ka ugu sarreeya mise boqolkiiba 80-ka ugu hooseeya?'"
"Ka hortag inay ku duufsato rabitaanka inaad ku hormarto yoolalka yaryar marka hore."
"Awoodda aad ku kala dooran karto yoolalka muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn waa midda ugu muhiimsan ee go'aamisa guushaada nololeed iyo shaqadaada."
4. Tix-geli Natiijooyinka
"Fikirka fog wuxuu wanaajiyaa go'aan qaadashada muddada gaaban."
"Shaqada markaad ku jirto, inaad haysato fikrad cad oo ku saabsan waxa dhabta ah ee muhiimka kuu ah mustaqbalka fog waxay kuu sahlaysaa inaad go'aan wanagsan ka gaadho mudnaantaada muddada gaaban."
"Kahor intaadan bilaabin wax kasta, waa inaad had iyo jeer is-waydiisaa, 'Waa maxay cawaaqibta ka iman karta samaynta ama samayn la'aanta hawshan?"
"Ujeeddooyinka mustaqbalka waxay saamaysaa oo inta badan go'aamisa falalka hadda la qabanayo."
"Dadka guulaysta waa kuwa doonaya inay dib u dhigaan Abaal marinta waqtiga dhow oo ay u huraan muddada gaaban si ay ugu raaxaystaan abaal-marin aad u weyn mustaqbalka fog."
"Dhiirigelintu waxay u baahan tahay niyad."
"Ka fikirida had iyo jeer cawaaqibka ka dhalan kara doorashadaada, go'aamadaada, iyo dabeecadahaaga waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu go'aamin karo mudnaantaada dhabta ah ee shaqadaada iyo noloshaada gaarka ah."
Xeerka Waxtarka Qasabka ah: "Marna ma jiro waqti kugu filan in wax walba lagu sameeyo, laakiin mar walba waxaa jira waqti ku filan in lagu sameeyo waxa ugu muhiimsan."
"Weligaa ma heli doontid waqti kugu filan oo aad ku sameyso wax kasta oo ay tahay inaad sameyso."
Is weydii marka:
"Waa maxay hawlaha qiimaha ugu sarreeya ii leh?"
"Maxaan samayn karaa aniga keligay oo haddii aan si wanaagsan u sameeyo farqi dhab ah horseedi kara?"
"Maxaan ku qabtaa waqtigayga ugu qiimaha badan hadda?"
"Waa kee rahayga ugu weyn xilligan la joogo?"
"Marka hore ku hormar waxa kuugu horeeyo, waligaa ha ku mashquulin waxa xiga."
5. Tijaabi hal-abuurka dib-u-dhigista
"Farqiga u dhexeeya dadka leh bandhigyada sare iyo dadka bandhigyada hooseeya waxaa inta badan go'aamiya waxa ay u doortaan inay ku caajisaan."
"Si aad si sax ah u doorato waxyaabaha kuu mudan, waa inaad sidoo kale doorataa waxyaabaha aan sidaas u mudnayn."
"waxa mudnaanta sare leh waa shay aad badanaa qabato oo si dhaqso badanna ku qabato, halka waxa mudnaanta laheyn uu yahay wax aad inyar qabato oo aad gadaal u dhigato, waaba haddii ay tahay inaad qabato."
"Waxaad ku heli kartaa wakhtigaaga iyo noloshaada xakameyntooda keliya ilaa marka aad joojiso qabashada waxyaabaha aan qiimaha kuu laheyn."
"Maya ku dheh wax kasta oo aan qiimo sare u lahayn wakhtigaaga iyo noloshaada."
"Shaqadaadu waa inaad si ula kac ah dib ugu dhigto hawlaha qiimaha hooseeya si aad waqti badan ugu hesho hawlaha wax weyn ka bedeli kara noloshaada iyo shaqadaada."
"Si joogto ah dib ugu eeg noloshaada oo ka shaqee si aad u hesho hawlo wakhti badan kaa qaata oo aad ka tagi karto. Iska yaree daawashada telefiishanka, beddelkeedana wakhti la qaado qoyskaaga, wax akhri, jimicso, ama samee wax kale oo kor u qaadaya tayada noloshaada.”
"Fiiri hawlahaaga shaqada oo raadi hawlaha aad u igman karto dad kale ama aad baabi'in karto si aad waqti badan ugu xoojiso shaqada dhabta ah ee xisaabtanka kuu leh."
"Si joogto ah isku weydii, 'Haddii aanan hawshaan hore ugu fara jirin, anigoo og waxa aan hadda ogahay, miyaan bilaabi lahaa maanta?"
6. Isticmaal habka ABCDE oo u isticmaal si joogto ah
"Waxaad ku bilaabaysaa liis uu ku qoran yahay wax kasta oo ay tahay inaad sameyso maalinta soo socota. Ku kor fakir warqadda dusheeda. Kadibna waxaad ku hor dhigtaa A, B, C, D, ama E shay kasta oo liiskaaga ku jira ka hor intaadan bilaabin hawsha ugu horreysa."
"liiska 'A' waxaa lagu hordhigayaa shay aad muhiim u ah, wax ay tahay inaad sameyso. Tani waa hawl yeelan doonta cawaaqib togan ama xun haddii aad sameyso ama aad ku guul dareysato inaad sameyso, sida inaad booqato macmiil muhiim ah ama dhammayso warbixinta uu madaxaagu uga baahan yahay shirka guddiga ee soo socda.
"Hawsha 'B' waxa lagu qeexayaa hawl ay tahay inaad samayso."
"Sharci waxaa ah inaadan waligaa qaban hawl B iyadoo hawlaha A laga tagaayo."
"Hawsha 'C' waxaa lagu qeexayaa inay tahay shay wanaagsan in aad sameeyo, laakiin aysan jirin wax cawaaqib ah oo dhan, haddii aad sameyso iyo haddii kale."
"Hawsha 'D' waxaa lagu qeexaa inay tahay wax aad u igman karto qof kale."
"Hawsha 'E' waxaa lagu qeexaa inay tahay shay aad gebi ahaanba baabi'in karto, oo aan samaynaynin wax isbeddel dhab ah."
7. Diirada saar Hawlaha Natiijooyinka Muhiimka Leh
"hawsha natiijada ugu liidata aad kala kulanto ayaa dejisa dhererka qiyaasta aad ku isticmaali karto dhammaan xirfadahaaga iyo kartidaada kale."
Mid ka mid ah su'aalaha ugu waaweyn ee ay tahay inaad isweydiiso mar uun noloshaada waa: "Waa maxay hal xirfad, haddii aan u horumariyo oo aan u sameeyo qaab aad u wanaagsan, saameyn fiican oo weyn ku yeelan karta xirfadeyda?"
8. Ku dhaqan Xeerka Saddexda
"Marka shaqada iyo xirfada la eegayo muhiimada waa tayada waqtiga aad ku qaadanayso, halka gurigga ay tahay tirada waqtiga aad ku qaadato."
9. Si fiican u diyaargarow intaadan bilaabin
Gacanta ku soo qabso wax kasta oo aad u baahan tahay ka hor inta aanad bilaabin.
Xeerka u gaarka ah qoraaga waa "Si sax ah u dhig boqolkiiba 80 ka dibna dib dambe ka sax 20% qaldan."
10. Canjeerada sida ay u kala koreyso u kala qaad
Maskaxdaada ka saar hawsha baaxadda leh ee hortaada taal oo diiradda saar hal tallaabo oo aad qaadi karto.
11. Kor u qaad xirfadahaaga furaha kuu ah
"Barashada joogtada ah ayaa ah shardiga ugu yar ee guusha goob kasta."
12. Ka faa'iidayso Kartidaada Gaarka ah
Si joogto ah isku weydii su'aalahan muhiimka ah:
"Waa maxay waxa aan ku fiicanahay? waa maxay waxa kaliya aan ku raaxeysto marka aan shaqo hayo?
"waa maxay waxa kaliya ee masuulka ka ahaa guulahaygii hore?"
"Haddii aan qaban karo shaqo walbo, shaqadee ayay dooran lahayd?"
13. Aqoonso Waxa Furaha U Ah caqabadahaaga
Dadka guulaysta waxay had iyo jeer ka bilaabaan falanqaynta caqabadaha iyagoo is waydiinaya su'aasha ah, "Waa maxay caadada aan leeyahy ee dib ii dhigta?"
Iswaydii, "Maxaa xakameeya xawaaraha aan ku helo natiijooyinka aan rabo?"
14. Cadaadiska saar Nafsadaada
"Si aad u gaasiiso kartidaada meesha ugu sareyso, waa inaad samaysataa caadada ah inaad naftaada cadaadis isa saarto oo aadan sugin in qof kale kuu yimaado oo uu ku saaro."
U shaqee sida adigoo haysta hal maalin oo kaliya si aad u dhamayso shaqooyinkaaga kuugu muhiimsan.
15. Kordhi Awoodahaaga Shaqsiyeed
"Mar kasta oo aad dareento daal badan ama aad dareento inay hawl badan ku hortaalo iyo waqti aad u yar, jooji fikirka oo isku dheh, 'Waxaan kaliya samayn karaa waxa aan awooddo."
"Hal maalin oo buuxda fasax ka qaado toddobaad kasta. Inta lagu jiro maalintan, ama khamiis ama jimco, gabi ahaanba diid inaad wax akhrido, wax qorto, la socoto hawlaha xafiiska, ama samee wax kasta oo kale oo daalin kara maskaxdaada. "
Go'aanso maanta in aad horumariso heerarkaaga caafimaad iyo tamar adiga oo is-waydiinaya su'aalaha soo socda:
"Maxaan samaynayaa jir ahaan oo ay tahay inaan wax badan ka sii sameeyo? Maxaan samaynayaa oo ay tahay inaan yareeyo sameyntooda?
"Maxaan samaynayn oo ay tahay inaan bilaabo sameeyntooda haddii aan rabo inaan waxqabad fiican yeesho?"
"Maxaan samaynayaa maanta ee saameeya caafimaadkayga oo ay tahay inaan gabi ahaanba joojiyo ?"
16. Ku Dhiirigeli Naftaada Ficil
Rajada-wanaagsan waa tayada ugu muhiimsan ee aad ku horumarin karto guulahaada iyo farxadaada shakhsiyadeed iyo xirfad ahaanba.
Dadka Rajada-wanaagsan waxay leeyihiin afar dabeecadood oo gaar u ah, oo dhammaantood lagu bartay ku celcelin iyo tababar waana:
Wanaag bay ka raadiyaan xaalad kasta.
Had iyo jeer waxay raadiyaan casharka qiimaha leh ee ay ka barteen dib u dhac kasta ama dhibaato kasta.
Had iyo jeer waxay raadiyaan xalka dhibaato kasta oo soo wajahda.
Waxay ka fikiraan oo ay si joogto ah uga hadlaan ujeedooyinkooda.
17. Ka fogow teknoolajiyadaha waqtiga Lumiya
"Si aad u ahaato mid degan, madax furnaan leh, oo aad awood u yeelan karto inaad wax u qabato sida ugu fiican, waxaad u baahan tahay inaad si joogto ah uga go'do tignoolajiyada iyo qalabka isgaarsiinta ee ku mashquulin kara haddii aadan ka taxaddarin."
"Si aad awood ugu yeelatid inaad xoogga saarto dhowr waxyaalood oo isbeddelka ugu badan ku sameeya ganacsigaaga ama noloshaada shakhsi ahaaneed, waa inaad naftaada u edbiso inaad ula dhaqanto tignoolajiyada sidii addoon, ma aha inay sayid kuu noqoto."
"Ka hortag rabitaanka ah inaad ku bilowdo shidida qalabka isgaarsiinta isla marka aad soo kacdo subaxda."
Iswaydii adiga:
"Maxaa muhiim kuu ah?"
"Maxay tahay muhiimadda ay ii leedahay inaan ku guuleysto shaqada?"
"Maxaa muhiim u ah noloshayda gaarka ah?"
"Haddii aan samayn karo hal ama laba ka mid ah hawlaha, kuwee ayay noqon lahaayeen?"
"Waxyaabo aad u yar ayaa aad muhiim u ah heer aan dib loo dhigi karin."
Wixii Talo, tabasho, taageerid ah, fadlan hoos noogu reeb, wax weyn ayay noo tahay walaal!
Comments